Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaano ka tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellaha hoose.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa qarax culus la beegsaday maleeshiyaadka Gurguurte xilli iyagoo kolonyo ah ay dhaqdhqaaqyo ka wadeen degmada Dayniile iyo deggaanka Ceel-Shaale.
Sida ay wararku tibaaxayaan qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah kaas oo burbur xooggani uu gaaray, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca oo qaraxaasi kasoo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose ayaa habeennimadii xalay dagaal culus ku miray xerada ay ku sugan yihiin ciidamada Afrikaanta ee degmada Qoryooley.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: