Hawl-galka cusub ee ee isbahaysiga AUSSOM ayaa qarka u saaran in gebi ahaanba uu burburo, waxaana soo wajahday dhaqaale la'aan baahsan kadib markii hoos u dhac ballaarani ku yimi maal-gelintii ugu badnayd ee dalalka reer-galbeedku ay bixin-jireen.
Duullaankan cusub ayaa wajahaya hoos-u-dhac dhaqaalle oo aad u daran, kadib markii Maraykanku uu si cad u diidday inuu ka qayb-qaato maal-gelinta hawl-galnkan, isagoo sheegay in hawl-galkani yahay mid aan wax-tar lahayn.
Sida ay tibaaxayaan warfidiyeennadu, guul-darrada iyo fashilka ciidamada Afrikaanta ka haysata Soomaaliya ayaa niyad-jab xooggan iyo weliba daal-dhaqaalle ku riday dalalkii bixin jiray maal-gelinta calooshood-u-shaqaystayaasha Midowga Afrika.
Ilaa hadda lama oga wax natiija ah oo kasoo baxay shir la sheegay in loo ballansanaa Isniintii shalay, oo ay ku kulmayeen waxa loogu yeero golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaasi oo qorshuhu ahaa in si hoose loogu gorfeeyo dhibaatada dhaqaale ee haysata Afrikaanta AUSSOM.
Sida laga soo xigtay Amani Africa oo ah hey’ad cilmi-baariseed oo madax-bannaan ayaa sheegtay in howlgalkan cusubi uu u baahan yahay $ 90.4 Milyan oo Dollar inta u dhaxeysa Janaayo ilaa Juun 2025, balse ilaa hadda waxa la ballan-qaaday ayaa ah $16.7 Milyan oo Dollar oo kaliya oo weliba ay bixiyeen dalalka Shiinaha, Japan, Kuuriya.
Ergo culus oo ka socota Midowga Afrika oo toddobaadkii hore gaaray Maraykanka, si xukuumadda Washington uga dhaadhiciyaan inay dib uga fiirsato go’aankeeda, ayaa la kulmay weji-gabax hor leh kadib markii mas’uuliyiinta Maraykanku ku adkaysteen go’aankooda, isla markaana ay caddeeyeen in maal-gelin dambe aanay ku khasaarin doonin hawl-galka AUSSOM.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: