Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu qaaday duqeymo xooggan oo ka dhan ah kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen.
Trump ayaa intaa ku daray in weerarkan ay fuliyeen kadib markii kooxda hubaysan ee Xuutiyiintu ay weerareen maraakiibta Maraykanka ee mareysay Badda Cas.
Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah ay sidoo kale ka dhaceen xaafadda Geraf ee waqooyiga Sanca, waxaana ka dhashay qaraxyo xooggan.
Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 31 qof ay ku dhinteen 101 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymahaasi.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonaan weerarradan oo sida ay sheegeen Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen degaanno ku yaalla Sanca.
Xafiiska Siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamay weerarradan fal khiyaano iyo dembiyo dagaal oo dhammaystiran ah.
"In la beegsado dadka rayidka ah waxay caddayn dheeraad ah u tahay argagixisada Mareykanka ee ka dhanka ah quruumaha iyo dadka ka soo horjeeda," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xuutiyiinta.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo dabayaaqadii 2023 gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku beegsanayay maraakiibta Yahuudda iyo kuwa xiriirka la leh ee ku gooshta biyaha Badda Cas.
Weerarradan Xuutiyiintu ka fulinayaan Badda Cas oo khalkhal gelisay danaha iyo ganacsiga reer-galbeedka, ayaa lagu sheegay in loogu hiilinayo muslimiinta reer Qaza.