Fano oo xoojisay dhaqdhaqaaqyo ay rabto inay kula wareegto magaallooyinka Dessie iyo Woldia.

Monday March 17, 2025 - 11:55:32
Liibaan Jeexoow
Usbuucyadii lasoo dhaafaya kooxda dhaqdhaqaaqa xoraynta Amxaarada ee Fano ayaa lagu soo warramayaa inay xoojiyeen weerarrada ay ku hayaan deggaanno ku xeeran xarunta maamulka Koonfur Wollo ee Dessie.
Ilo-wareedyo maxalliya oo aanu helnay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Fano ay tiraba dhawr jeer weerarro culus ka geysteen meelo ka baxsan magaallooyinka Dessie iyo Woldia.

Ciidanka Itoobiya ayaa iyaguna sida ay wararku sheegayaan askar fara badan ku daadiyey gudaha magaallada Dessie, iyagoo adkeeyey Kantaroollada bixista iyo soo-gelista ee magaallada.

Maleeshiyaadka Fano ayaa saddex cisho ka hor shaaciyey in ay go’doomiyeen Dessie oo ah magaallo ay ku wareegsan yihiin silsilado Burro ah, taas oo qiyaastii 400 oo KM u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka dawladda oo sida la sheegay u badnaa Boolis iyo maleeshiyaad.

"Waxaan aragnay gawaarida gurmadka degdegga ah ee ambalaasta oo daad-guraynaya dadkii ku dhaawacmay dagaalka kuna sii qulqulaya cisbitaalka.” Sidaas waxaa war-fidiyeenka Ethio News u sheegay qof ka mid ah dadka deggaanka.

Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dhankooda shaaciyey in ay dileen toboneeyo ka mid ah maleeshiyaadka Fano isla markaana ay fashiliyeen isku dayo ku doonayeen inay kusoo galaan magaallada Dessie.

Tan iyo bilawgii dagaalladan, magaallada Dessie waxay ahayd meel aanay soo gaari jirin maleeshiyaadka Fano, balse haatan cirifyada ayay ka joogaan, waxaana suuro-gal ah in xilliyada soo socda ay la wareegaan gacan-ku-haynteeda.

Magaallada Woldia laftarkeedu maalmahan u dambeeyey waxay marti-gelisay duqayn ba’an oo isugu jirta madaafiic iyo hubka culus oo ciidanka dawladdu ay ku garaacayeen fariisimo ay maleeshiyaadka Fano ku leeyihiin hareeraha magaallada.

Fano waxay sheegatay in ay la wareegtay deegaano hor leh oo dhaca geesta waqooyi-galbeed iyo waqooyi-bari ee magaalladaasi ilaa Woldia. Iyada oo sidoo kale ay gacnta ku hayaan inta badan Waqooyiga Wollo.

Related Items

Update cookies preferences