Dagaal khasaare geystay ayaa maanta maleeshiyaad ka wada tirsan DF Somaliya ku dhex-maray degmada Yaaqshid ee magaallada Muqdisho.
Maleeshiyaadka loogu yeero booliska iyo kuwa jawaasiista ah ee NISA ayaa si gaar ah ugu diriray xaafadda loo yaqaan Tookiyo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 2 askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac iyo 1 qof oo shacab ah.
Ilaa hadda lama sheegin sababta dhalisay dagaalkan, iyagoo inta badan isku maan-dhaafa kala boobista baadda ay ka qaadaan dadka shacabka ah.
Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale labo maleeshiyo ugu dagaallameen degmada Cabdicasiis, kaddib markii ay isku qabteen guri laga dhisayay halkaasi.
Wixii warar deg-deg ah kala soco channel-ka Telegramka ee https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0