SAWIRRO: Dad badan oo ku dhintay duufaan ku dhufatay dalka Maraykanka.

Sunday March 16, 2025 - 12:21:33
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay guud ahaan gobollada Missouri, Arkansas, Texas, Oklahoma, Kansas iyo Mississippi kadib markii duufaan culus ay ku dhufatay bartamaha iyo koonfurta dalka Maraykanka.
Sidoo kale 29 qof ayaa ku dhaawacmay gobolka Arkansas oo kaliya, waxaana jirta dhimasho uu sababay dab ka kacay Oklahoma.

Gobolka Kansas, ugu yaraan siddeed qof ayaa geeriyooday kadib markii in ka badan 55 gaari ay shil galeen sababo la xiriira duufaan xooggan oo bus wadata oo deggaannadaasi ku dhufatay.

In ka badan 250,000 guri ayaa koronto la’aan ku ah ilaa toddoba gobol – oo ay ku jiraan Michigan, Missouri iyo Illinois.

Duufaan kale oo culus ayaa la filayaa inay gobolka ku dhufato, iyadoo digniinno laga soo saaray bariga Louisiana, galbeedka Georgia, bartamaha Tennessee iyo galbeedka Florida Panhandle.

Related Items

Update cookies preferences