Dalka Afgaanistaan waxaa kasoo yeedhaya xaalad dunidda oo dhan soo jiidatay, taasoo ah dalxiise kasta oo booqda Afgaanistaan ayaa la sheegayaa in uu qaadanayo Diinta Islaamka, laga soo billaabo bartamihii sannadkii hore ee 2024.
Qofka hada ugu dambeeya ee la xusi karo dalxiisena ahaa ee diinta islaamkana qaatay ayaa ah Edward Andres oo da’diisu tahay 37 sano jir una dhashay dalka Canada.
Kadib markuu islaamay ayuu magaciisa u badalay Maxamed Akbar. Waxaana mar uu sharraxayay sababta uu diinta Islaamka u qaatayna uu yiri "Caqiidada diineed, soo dhawaynta, iyo anshaxa Islaamka ee Afgaanistaan ayaa qalbigeyga soo galay, waxaana go’aansaday inaan qaato Diinta Islaamka.”
Madaxa waaxda warfaafinta Afgaanistaan Mohammad Xanafi ayaa dhankiisa sheegay inay dal-xiisayaashu iyagu ay go’aansadeen inay qaataan diinta Islaamka, iyaguna ay gacmo furan kusoo dhaweeyeen kana saacideen.