Mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib-darro ku tilmaamay guul-darrada baaxadda leh ee soo waajahday maleeshiyaadka Gurguurte, gaar ahaan dagaalkii loogu awood-sheegtay ee looga fara-maroojiyey talisyadii waaweynaa ee Aadan Yabaal.
Xildhibaan C/Risaaq C/Laahi Ciid, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalinyarada Al-Shabaab ee lugaysaa ay dharaar cad baacsadaan maleeshiyaadka Villa Somaliya oo haysta qaybaha kala duwan ee saanadda millateriga iyo weliba taageerada cir iyo dhulba leh ee dalalka Shisheeye.
Waxa uu xildhibaanku ka dhawaajiyey in taliyeyaasha maleeshiyaadka Gurguurte ay yihiin kuwo aan khibrad lahayn, isla markaana weligood aan ciidan hoggaamin. Isagoo geesta kalena xusay in kooxdan ay ragaadisay eexda iyo musuqmaaqa.
Jabka iyo habqanka maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray dagaalkii dhowrka boqol looga dilay ee Aadan Yabaal ayuu xildhibaanku sheegay in ay ahayd niyad-jab weyn oo soo food-saaray guud ahaan askarta dowladda federaalka Soomaaliya.
"Aadan Yabaal, waxaa joogay ciidan ku filan difaaca magaaladaasi iyo magaalooyinka ku wareegsan, balse way isaga carareen, waxaanay aadeen Hiiraan ilaa Galgaduud, waxaasina waxay niyad-jab ku tahay ciidanka…” ayuu yiri Xildhibaan C/Risaaq.
Mas’uuliyadda jabka maleeshiyaadka ayuu xildhibaanku soo jeediyey in lagu ciqaabo cidda sababta u ah, haddii uu noqonayo sarkaal ciidan, wasiir ama madax kale oo ka tirsan maamulka Gurguurte, isla markaana lagu fuliyo xukunka uu mutaysto mas’uulkaasi.
"Laakiin ciidamada maalin walba inta lasoo jebiyo, la ogyahay qofka soo jebiyey, hubkoodii iyo gaadiidkoodii la qaato, aan lagu noqonin, wax sax ah maaha…” ayuu sidoo kale uu yiri Xildhibaan C/Risaaq oo ku taliyey in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka ciidanka.
Hadalka xildhibaanka ayaa imanaya kadib markii ay jihaadiyiinta Al-Shabaab dagaal cag-marin ah kula wareegeen talisyadii waaweynaa ee kooxda Villa Somaliya ay ku lahayd degmada Aadan Yabaal isla markaana ay dhegta dhiigga u dareen dhowr boqol oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram:https://t.me/+RVmGomVe9UA3ZWZk
Telegram:https://t.me/+OkgTBd09JWRmYTk8