M/weynaha maamulka KMG ah ee Tigrey oo af labadii qaylyey kana digay xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka.

Thursday March 13, 2025 - 16:37:02
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee gobolka Tigrey, Getachew Reda, ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan gobolkaasi mar uu maanta gelinkii hore shir jaraa'id ku qabtay hoteelka Sheraton ee magaallada Addis Ababa.
Getachew Reda wuxuu ku eedeeyay kooxda TPLF ee uu hogaamiyo Debretsion Gebremichael iyo qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee TDF inay si badheedh ah uga sii darayaan xiisadaha ka aloosan gobolka si ay u huriyaan ayuu yiri colaad kale.

"Dagaal kale oo Tigray ah, wuxuu soo jiidan doonaa dano shisheeye, wuxuuna khal-khal gelin doonaa Itoobiya." Ayuu yiri Getachew, isagoo saraakiisha TPLF iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada gobolka ku eedeeyey inay la shaqeeyaan Eritriya.

Waxa uu dawladda dhexe ee Itoobiya ku dhaliilay inay ka aamusan tahay baaqan uu u diray ee uu kaga codsaday inay soo faro-geliso gobolka. Waxaanu yiri "Ma garanayo sababta ay dawladda federaalku u aamusan tahay,"

"Dowladda federaalku uma baahna codsigeyga ku aaddan fara-gelinta gobolka, sugidda amniga, iyo ilaalinta maamulka ku-meel-gaarka ah ee iyada laftarkeedu ay dhistay,” ayuu yiri Madaxweyne Getachew Reda.

Kooxda TPLF ayaa gabi ahaanba daadafaysay baaqaasi, waxaanay ku tilmaameen arrin khatar halis ah ku keeni karta heshiiskii Pretoriya, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray garabka uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael.

Qaylo-dhaanta madaxweynaha ayaa timid kadib markii taliyayaasha ciidamada gobolka ee daacadda u ah garabka Debretsion Gebremichael ay burburiyeen maamulkii magaallada Adigrat oo qiyaastii 38 KM u jirta magaallada Kokobay oo ku taal xuduudka Eretriya.

Getachew ayaa sidoo kale sheegay mar uu waraysi siinayay warbaahinta Tigray Mass Media Agency in ciidamada taageersan kooxda Debretsion ay isku gadaameen dad shacab ah oo ka gadooday falalkooda kuwaas oo ku kala sugnaa ayuu yiri deggaanka Adu Gudom iyo qeybo ka mid ah magaalada Maqelle.

Waxaanu intaa ku daray in rasaas ay fureen kooxdaasi ay ku dhaawacmeen dad fara badan oo shacab ah. Isagoo waxa loogu yeero Beesha Caalamka ku tirtirsiyey inay soo fiiriyaan xaaladaha sii xumaanaya ee gobolka.

Ilaha wararka ee Eritrea, ayaa Talaadadii sheegay in kooxda TPLF ee hoos-tagta Debretsion Gebremicael ay la wareegeen gacan-ku-heynta garoonka diyaaradaha ee Alula Aba Nega ee magaalada Meqalle. Isla markaana Getachew Reda uu u baxsaday Addis Ababa.

Related Items

Update cookies preferences