Iyadoo hawl-gallo xooggan ay haatan ka socdaan gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa kaloo jira weerarro ay jihaadihiintu fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay.
Gobolka Bakool, xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku miray labo xero oo maleeshiyaadka Laftagareen ay ku leeyihiin degmada Xudur.
Jihaadiyiinta ka hawl-gala gobolka Baay, waxay weerareen saldhigga maleeshiyaadka maamulkaa Koonfur Galbeed ee Maaya Fuulka ee magaallada Baydhabo.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay qarax xooggan ku burburiyey guri uu Baydhabo ka deggen yahay mid ka mida wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed.
Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday weerarkaasi, balse ay ku dhaawacmeen 4 ka mid ah ilaaladiisa oo kala ah:
Taliye-ku-xigeenka maleeshiyaatka Koonfur Galbeed ee deegaanka Goofgaduud oo magaciisa lagu sheegay Hubeerow iyo askar lagu kala magacaabo Labaatan, Lix-Kun iyo Ukumaale.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay qarax xooggan oo xoogagga Al-Shabaab ay ku beegsadeen xerada askarta Xabashida Itoobiya ay ka deggen yihiin deggaanka Halgan.