Iska hor-imaadyo sababay khasaare culus oo ka dhacay gobolka Tigrey.

Wednesday March 12, 2025 - 13:38:43
Liibaan Jeexoow
Khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa laga soo sheegayaa deggaanka Dega Xaamus iyo qeybo ka mid ah magaalada Maqalla, kadib markii iska hor-imaadyo ciidan ay ka dhaceen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Tigray.
Garabka Debretsion ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan, maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex Jeneraal oo militariga ka tirsan, kuwaas oo taageerayay kooxda TPLF ee mucaaradka ah.

Getachew Reda, madaxweynaha maamulka ku meel gaadhka ah ee gobolka Tigray, ayaa shalay ku dhawaaqay in koox ka kooban saraakiil ciidan ay sharciga gacmahooda ku qaadanayaan oo ay burburinayaan wax uu ku sheegay haykalka dawladnimo ee gobolka Tigray.

Wararka laga helayo deggaanka ayaa sheegaya in kooxda Debretsion ee ka amar qaadata General Masho Beyene ay shalay la wareegeen maamulka iyo guud ahaan xafiisyada magaallada Adigrat. Mana cadda in la xir-xiray ama la laayay xubnihii maamulka KMG ah ee magaallada.

"Khasaaro badan ayaa ka dhacay Adigudom iyo qeybo ka mid ah Maqalle. Rabshadahan ayaa qayb ka ah qorshe lagu doonayo in koox sharci-darro ah oo TPLF ah lagu dhejiyo kursiga, tallaabadaas oo si buuxda uga burinaysa rabitaanka shacabka Tigrayga iyo heshiiska Pretoria.” Ayuu yiri Getachew Reda.

Getachew ayaa sidoo kale ku andacoodey in ciidamo loo badinayo inay yihiin kuwa Eretriya ay ku lug leeyihiin falalka kooxda Debretsion ee Adigrat iyo qaybaha kale ee gobolka Tigray. 

"Waxaa hubaal ah in xoogagga dibaddu ay isku dayayaan inay ka faa'iideystaan dhibaatooyinkan si ay u kordhaan rabshadahu, una saameeyaan gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan." ayuu yiri Reda.

TesfaNews, oo ah isha wararka ee taageerta dawladda Eritrea, ayaa Talaadadii sheegtay in kooxda TPLF ee hoos-tagta Debretsion Gebremicael ay la wareegeen gacan-ku-heynta garoonka diyaaradaha ee Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle.

Warar aan la xaqiijin oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisu ay ku go’doonsan yihiin magaalada Maqalle. Halka warar kalena ay tibaaxayaan inuu u baxsaday Addis Ababa.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaan ilaa hadda ka hadal xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Tigray. Taas oo la saadaalinayo inay noqon doonto mid riiqdeedu dheeraato oo ku fidda guud ahaan gobolka.

Related Items

Update cookies preferences