WARBIXIN: Maxay tahay farriinta ku socota Itoobiyaanka ee Abiy iyo Gurguurte ay wada-jir uga direen Xeebta Liido?

Sunday March 09, 2025 - 13:56:31
Liibaan Jeexoow
Mid ka mida Siyaasiyiinta Soomaalida ah ayaa sheegay in Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay haatan u xuub-siibteen mooryaannimo tii ugu liidatay, isla markaana dhac, boob iyo barakicin baahsan ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.
Siyaasi Idiris Xasan Faarax waxa uu xusay in dalka Soomaaliya aanu ka jirin ciidan tayo leh, balse booskoodii ay haatan buuxiyeen maleeshiyaad burcad ah oo kabo-qaad u ah shisheeyaha dalka ku soo duullay.

Xasan Gurguurte ayuu sheegay inuu haatan u ban-baxay mooryaannimo, isbaarooyinna uu dhigtay magaallada Muqdisho. Musuqmaasuqiisana uu marayo heerkii ugu xumaa ee abid uu gaaro.

Waxa uu sheegay in darajooyinka ciidannimo ay yihiin kuwo beec ah, sidoo kalena xilalka iyo kuraastuna ay kooto ugu jiraan ciddii gadan karta. Isagoo sida uu doono ugu takrifayala ayuu yiri hantida ummadda Soomaaliyeed oo uu ka dhigtay xaraash iyo xoolo jaban.

Musuq-maasuqa eexda iyo qabyaaladda ayuu siyaasigu sheegay inay xarkaha goosteen gudaha kooxda ridada Soomaalia, la iskuna cayrsanaayo hab qabiilaysan oo horseed uu ka yahay Xasan Gurguurte. Isagoo geesta kalena carabaabay barakicinta uu ku hayo dadka masaakiinta ah iyo burburinta masaajidda ee magaallada Muqdisho.

Siyaasi Idiris Xasan ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday khilaafka ka dhex aloosan Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe oo uu sheegay in labadoodu aanu jirin farqi u dhexeeya iyo weliba awood uu midiba midka kale ugu hanjabi karo, maadaama ayuu yiri ay labadooduba go’doon ugu jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Geesta kalena waxa uu siyaasigani ka dhawaajiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay haatan qarka u saaran tahay in gabi ahaanba ay gacanta ku dhigaan dagaalyahannada Al-Shabaab, maadaama dhawaanba har cad ay la wareegeen magaallada Balcad oo wax yar u jirta caasimadda, haatanna kuba dhow ayuu yiri inay noqoto xaafad ka mida magaallada Xamar.

Waxuu ayaan-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay soo dhawayntii Abiy Axmed ee magaallada Muqdisho iyo waliba wiilkii dhalinyarada ahaa ee maleeshiyaadka ilaalada Xasan Gurguurte ay ku toogteen xeebta Liido, ilaalinta amniga Abiy Axmad dartiis.

Eng Idiris Xasan Faarax ayaa tooshka ku ifiyey dhacdo farriin gudbinaysa oo ummadda muslimka ah ee Soomaaliyeed fool-xumo weyn ku ah oo maalintaasi kasoo muuqatay sawirradii ay Xeebta Liido ku wada-galeen Abiy Axmed iyo Xasan Gurguurte.

Farriintaasi ayaa sida sawirka xagge sare ka muuqdaba laga dheehan karo ahayd, calaamadda Kaniisadda ee istallaabta oo dhexda u taallay Abiy Axmed iyo Xasan Gurguurte, xilli ay wada-jir sawir ugu galeen xeebta Liido, taas oo Siyaasigu sheegay inay tahay farriin cad oo ay dirayaan kuna socota Nasaarada Itoobiya.

"Rajo kale oo ay Soomaaliya leedahay ma jirto hadda sida muuqata, illaa Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto, maxaa yeellay dawladda federaalka dadka ka shaqeeyaa way bahaloobeen, dad badan oo qashin ah baa jooga Soomaaliya oo ummadda ku naaxay, dadkaasi in laga leexiyaa la rabaa meesha, cid kale oo leexin kartaana ma jirto oon Al-Shabaab ahayn” ayuu yiri Eng Idiris Xasan Faarax.

Related Items

Update cookies preferences