Iyadoo wax ka yar hal usbuuc ay ka harsan tahay doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo xisbiyada ee maamulka la baxay Somaliland ayaa maalmahan waxaa socday ol'ole xooggan oo tartamayaashu ay dadweynaha isaga gadayaan.
Madaxda ururrada iyo xisbiyada tartamaya ayaa mid waliba waxa uu soo bandhigayay hadal iyo hawraar wixii uu is yiraa way kaa gadmayaan, kuwaasoo badankoodu ku tiraabayay hadallo daashaday bulshada oo horeyba loogu soo hungoobay.
Madaxweynaha maamulkan ahna musharraxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo xalay TV-ga kala hadlay bulshada, ayaa wax-qabad lagu faano ka dhigtay heshiiskii xaaraanta ahaa ee Badda iyo Barriga Soomaaliyeed uu ku siinayay dawladda Xabashida Itoobiya.
"MOU-ga waxaa kow ka ah in la helo ictiraaf ay dawladdaa weyn ee gobolka ee Itoobiya ay ictiraafto Somaliland, innaguna aynu siino marin-biyood, meel deked ah oo ciidamadeeda Baddu ay kusoo xidhaan…” Ayuu yiri kornayl Biixi.
Muuse Biixi Cabdi ayaa ka dhawaajiyey hadal muujinaya in dekedda Berbera laftarkeedu aanay ka madhnayn damaca Itoobiya "Dekeddaa Berberana iyagaynu u dhisaynaa, qaybtaa maanta joogtana inaynu dhammaan hawl-gelino, libin-laabna aynu u dhisno, dhaqaallaha kasoo baxaya waa ka aynu u baahannahay ee hawlaha deg-degga ah kaga baxayno”.
Biixi ayaa carrabka ku dhuftay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo waliba barnaamij loogu yeeri jiray Shaqo Qaran oo dhalinyarada dugsiyada iyo jaamacadaha lagu siin jiray tababar ciidan oo uu sheegay inuu u joogsaday duruufo dhaqaale.
Baahiyahan is-barkan ayuu Biixi sheegay in laga bixi doono xilli aan fogayn oo ah marka Itoobiya ictiraafto Somaliland, saxeexana loo dhamaystiro, isagoo bulshada dareensiinaya sida uu ugu niyad-san yahay hadalladii u dambeeyey ee Abiy Axmed ku muujiyey siday uga go’antahay hanashada Badda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dulucda hadalkiisa kusoo xayndaabay codsi uu bulshada reer Somaliland u diray oo uu kaga dalbaday in isaga iyo Xisbigiisa KULMIYE ay codka siiyaan, si buu yiri midho-dhal ay u noqdaan waxyaabihii horey loo soo qabtay iyo hiigsiga hayaanka cusub ee la geli doono.