Hey'adda sirdoonka Kenya ee DCI, ayaa shalay shaaca ka qaadday in guul ay ka gaadheen baadhitaanka kiis ku saabsan dilka gabadh Soomaaliyeed oo in muddo ah la raadinayay oo qaybo ka mid ah jidhkeeda laga helay afaafka hore ee qubuuraha Langata ee magaalladda Nairobi.
Saraakiisha DCI ayaa sheegay in dhacdadan naxdinta leh ee kiiskanna uu lugta la galay oo tuhunsane uu ka yahay Hashim Dagane Muxumed oo ah eedaysanahii dhawaan gacanta lagu dhigay ee loo haystay sadqaynta saddex haween ah oo Soomaaliyeed oo deggenaa xaafadda Islii.
Dilka gabadhan afraad ee looga shakisan yahay Haashim Dagane ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqa C/Nuur Qorane oo xilligii dad ugu war dambaysay ay ahayd 29/October/2024, markaasoo CCTV camera ay qabatay iyadoo tukaan ka adeeganaysa, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Booliiska ayaa sheegay in lafaheedu ahaayeen kuwii la helay 31-kii Oktoobar ee lagu soo qubay albaabka qubuuraha Lang'ata. Dembi-baadhayaal goobta tagay ayaa xusay in lafaha qaar ay ka muuqdeen kuwo cusub oo la kariyey, iyadoo qeybo ka mid ah hilibka si wanaagsan looga soo saaray. Waxaanay aaminsan yihiin in gacan-ku-dhiigluhu uu hawl-galkan u adeegsaday Kiimiko.
Faah-faahin dheeraad ah oo laga bixiyey qaabkii ay wax u dhaceen ayaa sheegaysa in Deeqa Qorane ay kasoo tagtay gurigeeda una jihaysatay aagga Livington, halkaas oo Hashim Dagane uu ku sugayay, dambi-baadhayaashuna sheegeen in labadooduba wakhti ku qaateen guriga eedaysanaha oo goobtaasi ku yaallay.
Muuqaal CCTV Camera qabatay oo lasoo bandhigay ayaa lagu arkayaa nin lagu sheegay inuu yahay Hashim Dagane oo kasoo baxaya guri, isagoo labada gacmood ku sita laba boorso oo looga shakiyay inay ku jiraan hadhaaga dhibbanaha oo maalintii dambe laga helay qubuuraha Langata.
Tuhunsane Hashim ayaa horey ugu eedaysnaa dilka Aamina Cabdirashiid, eedadeed Waris Dahabo Daa’uud, iyo ina-abtideed Nusayba Cabdi Maxamed oo iyagoo mayd ah oo la jar-jaray laga helay meelo kala duwan oo ku yaalla Machakos, Parklands, iyo Bahati ee magaallada Nairobi.
Haashim ayaa la ogaaday inuu haysto dokumentiyo badan oo been abuur ah oo uu ku jiro aqoonsiga Kenya. Waxaanay baadha-yaashu sheegeen in uu horey u ahaa sarkaal ka tirsan booliiska Itoobiya ka hor inta uusan u guurin Kenya, halkaas oo uu darawal ka ahaa iskuullo kala duwan oo ku yaalla xaafadda Islii. Waxaanay wararka qaar sheegayaan in Itoobiya uu baxsad kaga yimi kadib markii uu soo khaarajiyey xaaskiisa.