Netanyahu oo cayriyey Wasiirkii Difaaca Yuhuudda.

Wednesday November 06, 2024 - 07:39:36
Liibaan Jeexoow
Reysal Wasaaraha maamulka Yuhuudda Binyamin Netanyahu ayaa goor dhaweyd xilka ka qaadey Wasiirkii Difaaca Sahaayinada Yoof Gaalant. Netanyahu ayaa tan ku sababeeyay sida uu warbaahinta u sheegay in isaga iyo Wasiirkiisii Difaaca ay kalsoonidoodii wada shaqayneed yaraatey.
Yoav Gallant iyo Netanyahu ayaa aad u kala fogaadey intii Yuhuuddu dagaalka ku qaadday Lubnaan iyo Ururka Xisbullah taas oo Galant u arkayey mid soo dedejinaysa guuldarrada Yuhuudda.

Reysal Wasaaraha Yuhuudda ayaa u magacaabey Wasiirka Difaaca ninka lagu magacaabo Yisrael Katz oo hore u ahaa Wasiirka Dibedda. Cayrinta wasiirkii hore ee difaaca waxa soo dhaweeyay oo markiiba hambalyo direy Wasiirka Amniga ee Yuhuudda Bin Qafiir.

Wasiirka cusub ayaa kamid ah xubnaha midigta fog kuwaas oo aamminsan in Yuhuuddu keliya dagaal ku xallin karto qadiyadda maxaabiista ee iska caabbintu ku haysato godadka.

Netanyahu waxa kale oo uu warbaahinta la wadaagey in dhammaan wasiirrada xukuumaddiisu la qaateen in xilka laga qaado Gallant.
Dhanka kale kooxaha mucaaridka ee Yuhuudda ayaa si weyn u cambaareeyay xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Difaaca ee Israel.

Related Items

Update cookies preferences