Dowladda Pakistan ayaa noqotey dalkii ugu horreeyay ee sheega in uu si toos ah u barbar taagan yahay Dowladda Iiraan.
Wasiirka Difaaca Pakistan oo saxaafadda warmurtiyeed siiyay ayaa muujiyay garab istaagga Tahraan.
"Waxaan awood leennahay oo dhan waxaanu la barbar taagannahay Iiraan” ayuu yiri Wasiirka difaaa ee Pakistan.
Dagaalka Yuhuudda iyo xulafadeeda ee ka dhanka Iiraan ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda uu waji kale yeesho.
Pakistan waa dowladda keliya ee muslimka ah ee leh hubka nukliyeerka ee laga horjoogo Iiraan in ay samaysato.
Hubka nuclear-ka ayaa hore Mareykanku iyo xulufadiisu ugu eedeeyeen Ciraaq in ay haysato taas oo ugu dambayn ay weerareen horraantii 2003 illaa uu meesha lagaa saarey Xukuumaddii Saddaam.
Marxaladda cusub dagaalka Bariga Dhexe ee wajiyada badan leh ayaa si toos ah u bilaabmay 7 October sannadkii 2023 markaas oo garabka millateri ee Xamaas, Al Qasaam ay dagaal ku qaadeen fadhiisinno ay lahaayeen Ciidanka Yuhuudda isla markaana ay qafaasheen maxaabiis boqol kor u dhaaftey oo Sahaayino ah.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: