Madaarka Yuhuudda ee Bengooriyoon oo la xiray.

Saturday June 14, 2025 - 14:01:22
Liibaan Jeexoow
Sida laga soo xigtay Wakaalada Wararka ee AFP sarkaal ka tirsan shaqaalaha Madaarka Bengooriyoon ayaa xaqiijiyey in uu shaqadii hakiyey madaarkan ilaa amar dambe sabab la xiriirta duqaymaha Iiraan.
Tan ayaa imanaysa xilli Afhayeenka Ciidanka Iiraan uu ka dhawaajiyey in 20% ay kor u sii qaadi doonaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha Yuhuudda.

Waxaana suuragal noqonaysa in Iiraan beegsato saldhigyada Millateri ee Mareykanka sida laga helayo ilo caskari ah.

Hanjabaadaha isdabajoogga ah ee ka soo yeeraya Iiraan ayaa ah in Israel ay la kulmi doonto ‘aargoosi xanuun badan’.

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Yuhuudda Israel Katz ayaa hanjabaad u direy Iran, taas oo uu ku sheegay in haddii Khameni uu joojin waayo duqeymaha ay gebi ahaanba gubi doonaan caasimadda Tahraan.

Mar sii horreysay waxa Wakaaladda Mehr ee baahisay in Iiraan ay la socodsiisay Paris iyo Washington ballaarinta duqeymaha ee gudaha Israel.

Khasaaraha millateri ee Iiraan waxa ku kordhay laba xubnood oo ciidanka ah oo maanta nafwaayey.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences