FAAH-FAAHIN: 9 askari Ugaandhiis ah oo dhimasho iyo dhaawac noqday iyo qarax ka dhacay Baladweyne.

Saturday June 14, 2025 - 13:41:20
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerar qarax ah ku beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare kala duwan oo gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhiggaasi.

Geesta kale iyo gobolka Shabeelada hoose, waxaa ka dhacay weerar lagu beegsaday ciidamada Afrikaanta oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 4 askari oo Ugandhiis ah, 5 kalena lagu dhaawacay.

Xogtu waxay intaasi ku daraysaa in uu jiro khasaare hantiyeed oo ciidamada AUSSOM, lagu gaarsiiyey hawl-galkaasi.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences