Wasiirkii hore arrimaha dibadda Somaliya oo sheegay in Shabaab ku socdo dhabbihii Daalibaan oo kale.

Monday March 24, 2025 - 10:44:19
Liibaan Jeexoow
Maxamed C/Risaaq Maxamuud oo wakhtigii Farmaajo soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Somaliya, ayaa sheegay in walaac iyo cabsi xooggan uu ka qabo in kooxda Gurguurte ay sabab u noqoto soo af-go'a iyo burburka nidaamka dimuqraadiga ah ee muddada badan uu caalamku ku camcaminaysay dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Waxa uu ka dhawaajiyey in xaaladda amniga ee maamulka Villa Somaliya uu haatan aad u liito, kuna dhow yahay rajo-beel, jihaadiyiintuna kulaalayaan caasimadda, isla markaana fashil ka weyni aanu jirin in Xasan Gurguurte lagu beegsado iridda madaxtooyada Villa Somaliya.

Sidoo kale waxa uu soo hadal-qaaday qaylo-dhaantii Maraykanku kasoo saaray amniga Muqdisho, iyo sharikadihii diyaaradaha ee Qadar iyo Turkiga ee joojiyey duullimaadyadii ay ku iman jireen dalka, oo dhammaantood uu ku tilmaamay fashil iyo fadeexad dul-hoganaysa Xasn Gurguurte.

Maleeshiyaadkii loola baxay magacyada xawayaanka ee taakulada iyo tababarkaba uu shisheeyuhu sida weyn ugu hagar-baxay, ayuu qiray inay gabi ahaanba ay ku hor burbureen dagaalyahannada Al-Shabaab, isagoo fashilkaasi dusha u saaray Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar la wax laga waydiiyey waxa uu ka filan karo gulufka xooggan ee jihaadiyiintu ka wadaan Shabeellooyinka ayuu sheegay in ifafaalaha muuqdaa uu aad u shabaho midkii mujaahidiinta Daalibaan ay kula wareegeen Afganistan.

Waxa kale oo uu carabaabay in wax la baciidsan karo aanay ahayn suurto-galnimada in Jihaadiyiintu ay la wareegaan Muqdisho, isagoo intaa raacshay in aan la islaba gaari doonin muddada sannadka ah ee u hartay Xasan Gurguurte.

Shisheeyihii mashruucan watay ayuu xusay in iyaga laftarkeedu ay ku ilko-beelleen jihaadka ka socda bariga Afrika oo ay haatan u muuqdaan kuwo gorodda laalaadshay oon dan iyo muraad ka lahayn cidda qabsanaysa magaallada Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences