Dowlado muujiyay cabsida ay ka qabaan Trump oo soo noqda iyo kuwa kale oo soo dhoweeyay.

Wednesday November 06, 2024 - 09:34:59
Liibaan Jeexoow
Inta badan dowladaha qaaradda Yurub ayaa wadnaha farta ku hayo in Donald Trump uu kusoo baxo doorashooyinka madaxtinimada ee saaka loo dareeray.
Trump ayaa haddii uu guulaysto ugu goodiyay reer Yurub in ay kaligood ku noqon doonaan dagaalka Yukreyn islamarkaana uu joojin doono taageerada dhaqaale iyo midda melleeteri ee uu Mareykanku ku taageero xukuumadda Kiyeef.

Madaxda Faransiiska,Ingiriiska,Hangari iyo Jarmalka ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin isbedel siyaasadeed oo kuyimaad maamulka Mareykanka oo ay ula jeedaan in Trump uu talada dib ugusoo laabto.

Dowladaha Ruush-ka,Yahuudda iyo dhammaan xukaamta Carabta iyo Turkiga ayaa doonaya in laga guulaysto Kamala Harris waxayna door bidayaan Trump oo siyaasad ahaan ay isku dhowyihiin.

Dowladda Shuuciyadda Shiinaha oo ah awoodda 2aad ee dhaqaalaha dunida ayaa iyana wadnaha farta ku haysa waxayna ka baqaysaa in haddii Trump uu kusoo baxo doorashadan uu ku iclaamiyo dagaal dhaqaale sidii uu horay usameeyay sanaddii 2017-kii markii uu talada Mareykanka lawareegay kolkaas oo canshuuro adag kusoo rogay badeecadaha uu shiinuhu udhoofiyo waqooyiga qaaradda America.

Dowladaha Japan,Kuuriyada Koonfureed iyo Iiraan ayaa iyana muujiyay walaaca ay ka qabaan in Trump uu markale noqdo madaxweynaha Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa khudbaddiisi ugu dambaysay ee uu jeediyay ku sheegay in haddii dib loo doorto uu soo afjari doono dagaallada ka socda Qaza iyo Lubnaan islamarkaana uu kasoo bixi doono dagaalka Yukreyn.

Jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan midna dooran doonin Trump iyo Harris sababa laxiriira Mareykanka oo wax walba ka hor mariyo taageerada Yahuudda Sahyuuniyadda ee xasuuqa ku haysa muslimiinta Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences