Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa xilkaasi iska casilay, isagoo eedayn culus u jeediyey xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo uu sheegay inay ka leexatay waddadii saxda ahayd.
Waa mas’uulkii labaad oo 24 saac gudahood iskaga casila xukuumadda Villa Somaliya, iyadoo shalayna uu is-casilay wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga C/rashiid Jire Qalinle oo istiqaaladda is casilaaddiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiirradan is casilay ayaa dhammaantood ka soo jeeda deggaanada maamulka la baxay Jubbaland, waxaanay arrintani salka ku haysaa khilaafka ka dhex aloosan M/weyne Xasan Gurguurte iyo M/weynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Is-casilaadda wasiirradan ee noqday tus-baxa furtay, ayaa kusoo beegmaya iyadoo saacadihii u dambeeey uu Axmed-madoobe kulan-wadashiya isugu yeedhay xildhibaannada labada aqal ee dawladda federaalka Soomaaliya ku metela maamulka Jubbaland.
Dhambaal uu ku socodsiiyey xildhibaannada ayuu Axmed-madoobe ku sheegay in kulankan oo loo qorsheeyey 08/11/2024 uu ka qabsoomo magaallada Kismaayo, lagaga tashan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee saamaynta leh ayaa iyaguna si weyn uga hor-yimid damaca Xasan Gurguurte ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, arrinkaas oo ay ku tilmaameen riyo maalmeed aan marnaba suurageli doonin.