Madaxa hay'dda sirdonka dowladda Marayknka ee CIA ninka lagu magacaabo William Burns ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Booqashadaas oo sida la sheegayo aheyd mid hal maalin qaadatay ayuu madaxa sirdoonka dowladda saliibiga maraykanka wuxuu wadahadallo aan lasii shaacin oo ka dhacay xarunta CIA-da ee xerada xalane kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyihiisa Nabad-sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe
Inkastoo aan Si rasmi ah loo shaacin qodobadii ay ka wada hadleen labada dhinac, balse Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya kulaankaas ayaa la sheegaya in uu madaxa CIA’da uu madaxda kooxda Villa Somaliya kala hadlay dagaalka uu maraykanku horkacaayo ee kasocda qeyba ka mid ah gobolada Somaliya, dagaalkaas oo lagula dagaallamaay Al-Shabaab, iyadoo dowladda marykanka ay saluugsantahay natiijada ka imaanaysa dagaalladaas.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ka wada hadleen xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii muranka badan dhaliyay ee soo galitaanka bada-cas ee Addis Ababa ay la gashay maamulka Somaliland.
Booqashada Burns ayaa ku soo beegantay xili xiriirka u dhaxeeya dowlada iyo kan itoobiya uu maraayo meeshii ugu xumeeyd, tasoo keentay in dowlada Somaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ayna kasii mid ahan doonin isbahaysiga cusub ee la qorsheeynayo in lagu badalo ATMIS.
Waxaa la rumeeysan yahay in dowlada marykanka ay rabto inay ku qasabto dawladda Somaliya in ay ka laabato mawqifkooda ku aaddan ka mid ahaanshaha ciidanka itoobiya ee isbahaysiga cusub ee afrikaanta.
Cabdisalaan guuleed oo soo noqday taliye-ku-xigeenka sirdoonka kooxda Villa Somaliya ayaa sheegaya in socdaalka kediska ah ee madaxa CIA-da uu xambaarsanaa arrimo halis ah oo soo kordhay.
Dhinaca kale dadka aad ula socda arimaha sirdoonka iyo xiriirka marykanka iyo Dowlada Somaliya ayaa aminsan in socdaalkan qarsoon uu yahay mid muhiimadiisa leh iyadoo ay maalmo uun ay ka harsan yihiin doorashada dalka maraykanka lagana cabsi qabo in hadii trump u ku guuleeysto doorshada oo dhaceys 5-ta November uu isbadal wayn ku sameeyo siyaasada marykanka ee Geeska Afrika.
Haddii uu Donald Trump kusoo baxo doorashada dhici doonta isbuucan ayay dowladaha geeska afrika rumeysan yihiin in uu isbedel ku sameyn doono siyaasadaha arrimaha dibadda gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti oo mareykanku ku lug leeyahay.
Dabayaaqada sanaddii 2020-kii markii uu sii dhammaanayay xukunka Trump ee mareykanka ayuu inta badan ciidamadiisa kala baxay dalalka dhaca geeska afrika oo soomaaliya ay ka mid tahay.