Al-Shabaab oo xalay weerartay maleeshiyada Xudur iyo xog kasoo korodhay khasaaraha dagaalkii xerada Meeri.

Saturday November 02, 2024 - 09:15:35
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhiga maleeshiyada maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Dhanka kale faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxday weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xero lagu magacaabo Meeri oo ay deggen yihiin ciidanka maamulka Jubbaland.

Xeradan oo ku taalla duleedka deggaanka Kaambooni ayaa lagu dilay 6 askari oo maleeshiyada Jubbaland ah, 12 kalena waa lagu dhaawacay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in geeri iyo nolol mid toona aan lagu hayn 2 askari oo ka tirsan maleeshiyada la weeraray. Iyadoo halkaasi lagu soo furtay 5 qori AK47 ah iyo Hal qori oo PKM ah.

Related Items

Update cookies preferences