Xog: Mas'uulkii Itoobiyaanka ahaa oo weli aan dhag jalaq u siin amarkii Villa Somaliya iyo dulucda wixii lagu maagay.

Wednesday October 30, 2024 - 15:05:36
Liibaan Jeexoow
Dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shalay soo saartay warqad lagu amray in 72 saacadood gudahood uu dalka kaga baxo ku-xigeenka qunsulka safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.
Diblumaasigan oo jinsigiisu yahay Soomaali, magaciisana lagu sheegay Cali Maxamed Aadan, kana soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay hawlo aan la socon karin doorkiisa diblomaasiyadeed, iyadoo aan laga bixin faahfaahin bulshadu wada fahmi karto.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Xasan Gurguurte ayaa iyagoo magacooda qariyay u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta soomaalida in ninkan oo loo yaqaan "Cali Garre” uu yahay Kornayl ka tirsan sirdoonka milateriga Itoobiya.

Saraakiishan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalkani uu socdaalo ku tagay qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka ka jira ee ay is khilaafsan yihiin Xasan Gurguurte, isagoo gabbaad ka dhiganayay kaarkiisa diplomaasiyadeed.

Diblumaasigan oo la sheegay in hadda uu ku-sime ka ahaa safaaradda Itoobiya ee ku dhex-taal madaxtooyada Villa Somaliya Muqdisho, ayaa ah ninka sida dadban u maamulayay maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed oo maalmihii u dambeysayna uu socdaallo kusoo maray, waxaana la sheegayaa in ilaa hadda aanu dhag jalaq u siin amarka la dul-dhigay ee lagu caydhinayo.

Intii uu safarrada ku marayay deggaannada maamulladaasi waxaa lasoo wariyay in uu kulamo la qaadanayay oo uu shirinayay siyaasiyiinta deggaannadaasi, iyadoo Itoobiya tahay tan gacanta ku haysa maamulka iyo amniga maamul-goboleedyada.

Bilooyin ka hor ayay ahayd markii kooxda Federaalka Soomaaliya ay sidan oo kale u soo saartay warqad ay ku farayso in albaabada la isugu laabo qunsuliyadaha dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa, taasi oo keentay in lagu maadeysto xukuumadda Gurguurte, qunsuliyadihiina ilaa maanta ay iska furan yihiin, iyadoo kooxda Villa Somaliya aanay awood u lahayn inay albaabada u laabto.

Dhanka kale ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya, kaasi oo ku aadan amarka kasoo yeedhay kooxda dawladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxa ka yahay Xasan Gurguurte.

Related Items

Update cookies preferences