Shir ka dhacay Jig-jiga oo daaha ka rogay damaca Itoobiya ee dhaxal-wareejinta dhulka Soomaaliyeed [WARBIXIN]

Thursday October 24, 2024 - 17:42:12
Liibaan Jeexoow
Amakaag hor leh iyo anfariir dhaliyey werwer badan ayaa maalmahan soo food-saaray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Soomaali Galbeed ee ku hoos-jirta gumaysiga xabashida Itoobiya.
Shir abaabulkiisa uu lahaa Raysalwasaare Abiy Axmed, socodsiiyana uu ka ahaa M/Weyne Mustafe Cagjar ayaa shalay lagu soo gunaanaday magaallada Jig-jiga, kaasoo 3 maalmood ka socday Jig-jiga University.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in shirka albaabadiisu ay si dhamaystiran ugu furnaayeen Amxaaradii joogtay Jig-jiga iyo guud ahaan Soomaali Galbeed, kuwaasoo ku xaadirayay magacyo urur sida, ururka shaqaalaha korontada, waxbarashada iyo kaniisadaha ee deggaanka Soomaalida.

Shirkan oo badi dadku dhaadanaayeen ujeedkiisa dhabta ah ayaa banaanka soo dhigay damaca fog ee Itoobiya ku rabto inay ku dhaxal-wareejiso ummadda Soomaaliyeed, dhulkoodana ugu gacan-geliso qoomiyadaha kale, gaar ahaan amxaarada.

Xubnaha ergooyin metelaya deggaanka Soomaalida oo loo qorsheeyey inay ka qayb-galaan shir lagu sheegay Wada-tashi Qaran oo la filayo inuu ka qabsoomo Addis Ababa ayaa kulankaasi lagu soo xulay. Waxaana mar kaliya lagu baraarugay iyadoo ergooyinka 40% la siiyey qoomiyadaha kale ee ka dhex shaqaysta Soomaali Galbeed sida Amxaarada iyo Oromada.

Labadii maalmood u dambeeyey waxaa deggaanka Soomaalida ka taagnaa buuq ka dhashay damaca Amxaarada, Oromada iyo waliba baadariyada Kaniisadaha oo raba xuquuq metelaad 40% ah, oo ay ku yeeshaan deggaanka Soomaalida, sida uu sheegay Dr. Doolaal Xaalxaalli oo ah guddoomiyaha guddida farsamada ee Shirkaasi.

Guddoomiyaha guddida wada-hadallada qaran ee Itoobiya, Maasfin Araaya oo ah nin kasoo jeeda qoomiyadda Amxaarada ayaa saxaafadda ku hadasha afka maamulka Jig-jiga u sheegay in lasoo gabo-gabeeyey shirkii ajande-ururinta ee dhawrka maalmood socday, isla markaana uu u qabsoomay sidii loogu talo-galay.

Araaya ayaa sheegay in ay qaateen ajandayaashii ay rabeen inay ka helaan deggaanka, isagoo carabaabay in haddii lagama maarmaan ay noqoto in wax lagu kordhiyo ajandayaasha ay ka qaateen deggaanka Soomaalida ay ku darsan doonaan qodobada ay u baahdaan.

Madaxweynaha maqaar-saarka ah ee deggaanka Soomaalida Mustafe Cag-jar oo ah daba-dhilifka ugu weyn ee haatan ay ku adeegato dawladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyey in tan iyo intii xilkaasi loo igmadayba uu deggaanka Soomaalida kusoo daad-guraynayay qoomiyadaha kale ee Itoobiya sida Amxaarada iyo Oromada.

Eedahaasi dul-hoganaya Mustafe Cagjar iyo shirkan uu mus-dambeedka ka yahay ee iftiimiyey dhagaraha Itoobiya ayaa isagoo difaacaya soo dhigay qoraal baraha bulshada, waxaanu sheegay hadal nuxurkiisu ahaa in ummadda Soomaali Galbeed oo kaliya ay ka go’do talada masiirkeedu, isla markaana aanu jirin shir aayahooda lagu go’aamin doono.

Cagjar hadalkiisa oo u muuqda mid hoosaasin ah oo uu rabo inuu ku damiyo iftiinka baraarug ee bulshada Soomaali Galbeed ayaa u cuntami waayay badi bulshada Soomaaliyeed, waxaanay qaarkood oo ka fal-celiyey ku sifeeyeen ilmada Yaxaaska.

Hanaanka uu shirkani ku socday ayaa aad u metela qorshayaal dhagaraysan oo horey Soomaalida loogu khiyaamay oo lagaga fara-maroojiyey magaalo-madaxdoodii hore ee ee Diridhaba, kadib markii saami laga siiyey qoomiyadaha kale ee Itoobiya.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Xabashida Itoobiya ay beryahan dambe sii kordhiyeen boobka, dhaca iyo guud ahaan dhibaatada ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaali Galbeed, kuwaas oo dhac badheedh ah ka geystay magaalooyin ay ku jirto Jig-jiga.

Boqolaal gaadiidka xamuulka ah iyo badeecaddii saarnayd oo ay lahaayeen ganacsatada Soomaali Galbeed ayay dhawaan xoog kula wareegeen, iyadoo milkiilayaashii lahaa hantida la dhacay ay warbaahinta Jigjiga u sheegeen in ciidamada Xabashida ee loo yaqaan Jibriga ay dhaceen in ka badan 200 oo gaadiid ah.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa hirgelisay laba ciidan oo shaqadoodu tahay boobka hantida ummadda Soomaali Galbeed, kuwaas oo lagu kala magacaabo FINAAS oo qaabilsan boobka xoolaha nool ee la dhaqdo iyo JIBRIGA oo iyaguna qaabilsan boobka hantida noot-ka, sida gaadiidka iyo lacagta naqdiga ah.


Related Items

Update cookies preferences