Waxaa isa soo taraya wararka laga helayo weerarkii galabta lagu beegsaday xarunta Iskool Boolisiyo ee degmada Xamar jajab ee magaallada Muqdisho.
Qaraxan ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaadhay saraakiil iyo ciidan ka tirsan kuwa dawladda oo halkaasi ku sugnaa.
Sugaal Cabdulle iyo Gaashaanle C/Xakiim ayaa ka mid ahaa saraakiishii booliska ee galabta ku bakhtiyey goobtaasi uu qaraxa la beegsaday naftii-hure Al-Shabaab ah.
Xarakada Al-Shabaab ayaa isla markiiba sheegatay, waxaanay war-saxaafadeed ay soo saartay ku xustay inay ku beegsatay saraakiil iyo askar ku sugnaa xaruntaasi.
Wixii kale ee soo kordha la socda Insha Allaah….
SOMALIMEMO.