17 ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhintay weerar ka dhacay deggaanka Gerile ee duleedka Ceeldheer.

Wednesday October 16, 2024 - 17:30:21
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Ceeldheer ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo culus ay ciidamada dowladda Federaalka iyo dagaalyahannada Al Shabaab ku dhaxmareen deegaanka Gerile.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in tobanaan qof ay ku dhinteen dagaalkii maanta sida lagasoo xigtay goob joogayaal iyo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii Gerile ka dhacay lagu dilay 17 askari halka 21 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Jihaadiyiinta Al Shabaab ay dagaalkii galabta kusoo furteen 12 qori, meydadka ciidamo katirsan dowladda ayaa daadsan goobtii lagu dagaallamay.

Isbuuc ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay dagaallo lagu hoobtay uga dhaceen duleedka Ceeldheer.

Related Items

Update cookies preferences