Dowladda Jabbuuti ayaa ka dhawaajisay in Ereteriya ay weli ka haysato ciidammo maxaabiis ah.
Wakiilka joogtada ah ee Jabbuuti u fadhiya Qaramada Midoobey Maxamed Siyaad Ducaale waxa uu sheegay in ay doonayaan sidii xiriirka aan wanaagsaneyn ee ay la leeyihiin dalka Ereteriya loo hagaajin lahaa.
"Jabbuuti waxa ay diyaar u tahay in ka caadiyeeyo xiriirka ay la leedahay dalka ay jaarka yihiin ee Eretriya, iyada oo la waafajinayo sharciga caalamiga ah” Maxamed S. Ducaale.
Wakiilku waxa uu xusay sida ay ugu weyn yihiin maxaabiista ciidanka ah ee ay Ereteriya ka haysato "Ciidamada naga maqan waxa ay ku weyn yihiin qalbiyadayada qoysaskooduna waxa ay doonayaan in ay u soo laabtaan”
Ereteriya iyo Jabbuuti waxa dhexmarey colaaddii xuduudka(Dumeyra) ee sannadkii 2008 halkaas oo ay Jabbuuti sheegtay in lagu soo xadgudbay dhulkeeda. Ka dib dhexdhexaadin ay sameeyeen kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey waxa xuduudka labada dal la dhigey ciidan ka soo jeeda dalka Qadar.
Ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee Qadar ka socday ayaa banneeyay dhammaan saldhigyadii ay ku lahaayeen xuduudka labada dal sababo aan la garanayn horraantii bishii Juun ee 2017. Qadar xilligaas wax faahfaahina kama bixin bannaynta saldhigyadoodii xuduudka labada dal.
Markale Jabbuuti waxa ay Ereteriya ku eedaysay in ay ka soo gudubtey xuduudka ka dib markii ay meesha ka baxeen ciidankii Qadar ee dhexdhexaadinta ahaa.
Si kastaba ha ahaatee toddobaadkan aynu ku jirno ayey Xukuumadda Jabbuuti dalbanaysaa in ay diyaar u tahay in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Ereteriya.