Qaraxyo maanta ka dhacay gobolka Baay ayaa lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar ah oo ka tirsan kuwa maamulka koonfur galbeed.
Ciidanka xarakada Al-Shabaab oo masuuliyadda weerarkan sheegtay ayaa lagu khaarajiyey 3 askari, labo kalena waa lagu dhaawacay.
Deggaanka Goof-guduud buurey oo hoos-taga magaallada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur galbeed ayuu hawl-galkani si gaar ah uga dhacay.
Dhanka kale waxaa isla maanta gobolka Shabeellada Hoose mar kale ka dhacay qaraxyo saddex ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Yugaandha oo ka baxay deggaanka Danow kuna sii jeeday magaalada Mogdisho.
Weerarradan ayaa ku biiraya silsilado weerarro ah oo si isdaba-joog ah saacad-saacad loogu beegsanayo ciidamada shisheeyaha iyo kuwa carro-tuurka u ah ee Soomaalida.