Markii ugu horraysay ayaa lahelay qodobada xasaasiga ah ee dowladda Turkigu ay ku doonayso in lagu dhammeeyo xiisaha ka dhashay is afgaradkii ay Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen.
Turkiga ayaa Xasan Gurguurte ku cadaadinaya in uu
aqbalo dhowr qodob oo badankood maslaxad u ah dowladda Xabashida Itoobiya
waxaana qodobadaas kamid ah in Itoobiya ay si rasmi ah uhesho marin badeed,
wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq uleedahay
helitaanka qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Dhexdhexaadinta xukuumadda dabadhilifka Turkiga ee
wadahadallaada u dhexeeya Villa Somalia iyo Itoobiya waxay ku saleysantahay
dhowr qodob oo badankood lagu cadaadinayo DF-ka federaalka haddii si kale loo
dhigana ah kuwa ka shaqeynaya damaca gurrucan ee Xabashidu ku doonayaan qaadashada qeyb kamid ah badda
Soomaaliya sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Aadan oo ka tirsan guddiga
arrimaha dibadda ee baarlamaanka DF-ka Soomaaliya.
Qodobada ugu muhiimsan ee Turkigu shardi uga dhigay
wadahadallada waxaa ka mid ah:
*Joojinta xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si loo abuuro jawi wada hadal oo mideysan
*In labada dhinac ku heshiiyaan in xal diblomaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka.
*In la baabi’iyo walaacyada Soomaaliya ee la xiriira madaxbannaanideeda iyo midnimada dhulkeeda.
*In Soomaaliya ogolaato in ay Itoobiya marin badda ah hesho iyadoo xaq u leh.
*In Itoobiya marin rasmi ah ka hesho badda Soomaaliya laakiin aan loo marin maamulka Somaliland.Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tallaabada ay qaadday dowladda Turkiga aysan farxad gelin xukuumadda Xasan Gurguurte balse aysan ku dhiiran Karin in Turkiga ay usheegto diidmada arrinkaas ku saabsan taas bedelkeed ayay Villa Somalia uweecantay dhanka Masar oo ay lagashay heshiisyo amni iyo kuwa melleteri.
Dowladda dabadhilifka Turkiga ayaa horraantii sanadkan lagu wareejiyay badda iyo barriga Soomaaliya waxaana lafilayaa in Turkigu uu boobo shidaalka iyo kheyraadka dihan ee dhax ceegaaga badda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer fagaarayaasha ka sheegay in uusan bad udiidaneyn itoobiya balse uu diidanyahay in ay la macaamisho maamulka isku magacaabay Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.