Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah bahda dhaqanka ee gobollada waqooyi ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka la baxey Somaliland.
Buurmadow oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa dibed wareeg isla markaana ay siyaasadda isku seegeen Muuse Biixi ayaa ka degay Hargeysa. Soo dhaweyntiisa waxa ka qayb galey siyaasiyiin, isimmo iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.
Buurmadow oo warfidiyeenka la hadley waxa uu sheegay in aanu u soconnin in uu axsaabta Somaliland kala taageero balse uu u socdo sidii uu u mideyn lahaa shacabka Somaliland.
"Anigu immika siyaasad uma socdo ee waxaan doonayaa in aan ka shaqeeyo wixii shacabka lagu mideynayo” Buurmadow.
Boqor Cismaan ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa dadkii aadka uga soo horjeeday dagaalkii Laascaanood ee sannadkii ina dhaafey ka socdey Goojacadde oo ahaa saldhigii ugu weynaa Somaliland ku lahayd gobolka Sool.
Warsame Warfaa