Majallada "Blätter" ee Jarmalka cadadkeedii soo baxay bishii Agoosto 2024, ayaa daabacday maqaal aragtiyeed oo ay qortay cilmi-baare iyo taariikhyahanka Jarmalka Bettina Roll - oo ah suxufi madax-banaan oo ku sugan Nairobi Kenyan waxaana mqaalka cinwaankiisu yahay: "Itoobiya oo heshiis la'aan ah Laga soo bilaabo dagaalka ilaa xaalada aan dhammaadka lahayn.".
Maqaalkani wuxuu eegaynaa sida xaaladuhu u yihiin Itoobiya iyadoo la tixraacayo dagaalka ugu xun ee gudaha ee ka dhacay welina socda, kaas oo ah Dagaalka Tigray, iyo sida dalkaasi uu ugu dhacay god madoow dhexdeeda iyo silsilad guuldarrooyin ah oo ku saabsan xakameynta xaaladaha, ilaa ay ka gaartay xaalad bini’aadannimo oo markii dambe macluul daran isku rogtay.
Dagaalka Tigray ee Itoobiya wuxuu ka mid yahay khilaafaadka ugu dhiig-miirashada badan ee adduunka tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee dunida Sida uu qiyaasayo Midowga Afrika, ugu yaraan 600,000 qof ayaa ku dhintay labo sano gudaheed inta lagu guda jiray dagaalka u dhexeeya ciidanka Itoobiya - oo taageero ka helaya ciidanka Eretariya iyo milishiiyada "Fano” ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya iyo ciidanka dowladda Tigray.
Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaashu kuma dhiman kaliya dagaalka tooska ah, laakiin sidoo kale waxaa u sabab ah gaajada oo mararka qaarkood loo adeegsaday sidii hub iyo faafitaanka cudurada ay colaaddu sababsata, Waxaa si gaar ah loo burburiyey xarumo caafimaad, taasoo keentay in nidaamka daryeelka caafimaad uu si ballaaran u burburo. Waxaa sidoo kale la sheegay in dhammaan dhinacyada dagaalku ku lug leeyihiin tacaddiyada ka dhanka ah dadka nugul oo dumarka iyo carruurtu ugu horreeyaan.
Tan iyo markii dagaalku si rasmi ah u dhammaaday 2-dii Nofeembar 2022, hadalka ku saabsan Itoobiya ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada iyo bogagga wararka, Tani waa wax khalkhal ah; inkasta oo dhinacyadii ugu weynaa ee dagaalka ay saxiixeen heshiis joogto ah kuna saabsan joojinta rabshadaha kaasi oo lagu gaaray magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika balse heshiiskaas sooma afjarin azmadii siyaasadeed iyo midda bani’aadanimo eek u habsatay dad kabadan 6 malyuun oo ruux.
heshiiska joojinta dagaalka ma keeni wax nabad ah oo dhab ah. Taasi beddelkeeda, waxaa Itoobiya ka socda xiisad heerar badan leh oo si weyn u sii kordhaysa iyadoo xaalad bini'aadannimo ay wajahayaan dadka kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo tiro ahaan ku lix jibaarma dadka Tigreega ee macluushu lafaha kafeenatay.
Mid ka mid ah sababaha keena xaaladdan waa maqnaanshaha dhinacyada muhiimka ah ee saameynta ku leh miiska wada-xaajoodka ee Pretoria, Intaas waxaa dheer, dowladda Itoobiya oo uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa ku fadhiyey miiska wada-xaajoodka, halka xisbiga uu ka tirsan yahay uu ahaa awooda hoggaamineed ee isbahaysiga Jabhaddii EPRDF oo xukumaysay Itoobiya intii u dhexeysay 1991 iyo 2019, welina ku jirta awoodda gobolka Tigray.
Markii Abiy Ahmed oo ah xubintii ugu horeysay ee Oromada qowmiyadda ugu weyn ee Itoobiya uu qabtay xilka ra’iisul wasaare 2018, wuxuu bilaabay isbeddelo waaweyn, wuxuuna heshiis nabadeed la galay Eretariya oo jaar la eh xabashida, taasoo keentay in Jabhadda Xoreynta Tigray oo muddo dheer ahayd awoodda wadanka ugu sarraysa ay dareentay in iyada loo gefay ama la yasayo qabkeedii 24 sana jirsaday.
Kooxda TPLF Sannadkii 2019 waxay ka baxday isbahaysigii xukumayay itoobiya, wixii xilligaas ka dambeeyay khilaafka siyaasadeed ee wadanka kajira aad buu usii xoogeystay illaa bishii Nofeembar 2020 uu qarxay dagaalkii lagu hoobtay ee gobolka Tigray.
Saameynta burburka dagaalka ee gobolka Tigray ayaa weli sii muuqata urgumadii laga dhaxlayna lagamasoo bogsoon wuxuuna dagaalkan noqday midkii ugu xumaa ee abid dalkan soo mara, kaliya maaha Dagaalka u dhexeeya dowladda "Abiy Ahmed” iyo maamulka Tigray ayaa sabab u noqday khilaafaad gobollada dariska ah ee Amxaarada iyo mararka qaarna gobolka Cafarta.
Gobolka Amxaarada hadda milishiiyada "Fano”, oo la isbahaysiiyay dowladda intii lagu guda jiray dagaalka Tigray ayaa la dagaallamaysa ciidanka Itoobiya, iyadoo dowladda Itoobiya ay isku dayeyso inay xakameyso markale faafitaanka rabshadaha, saaxiibadii shalay ayaa maanta iscunaya weliba maleeshiyaadka Faano iyagaa ka awood badan kooxda TPLF maadaama ay leeyihiin taageero malaayiin qof ah.
Anfariirka Amni ee ka jira gobolka Oromada.
Sidoo kale galbeedka gobolka Oromia ee bartamaha Itoobiya oo ku wareegsan caasimadda Addis Ababa, waxaa qabsaday kacdoomayaal katirsan jabhadda Ciidanka Xoreynta Oromia, kuwaas oo ka faa’ideystay firaaqa amniga ah inta lagu guda jiray colaaddii Tigray, si ay u ballaariyaan kacdoonkooda taariikhiga ah ee ka dhanka ah nidaamka Itoobiya.
Dhammaan kooxaha Oromada oo OLA ugu caansantahay waxay ku kacsanyihiin dowladda Itoobiya xataa iyadoo wadanka uu maamulo hoggaamiye iyaga kasoo jeedo oo ah Abiy Axmed,siyaasiyiinta Oromada iyo dadka xulka ah waxay Abiy ka aaminsanyihiin khaa’in aan metelin aqlabiyadda Itoobiya oo ah qowmiyadooda.
Waxaa xusid mudan in Ururka Xoreynta Oromia (OLA) uu yahay koox mamnuuc ah, oo ka soo go’ay xisbiga mucaaradka ee hore loo mamnuucay ee Jabhadda Xoreynta Oromia, kaasoo hoggaamiyeyaashii ka soo laabteen xabsiga 2018. Ururku wuxuu dagaalkiisa ka dhigayaa sabab looga soo horjeedo sheegashada caddaalad darrada lagu haysto dadka Oromada.
Inkasta oo ay sidaas tahay, gobolladan maaha kaliya meelaha xiisadda ka taagan; Itoobiya waa dal leh qowmiyada fara badan oo ka kooban in ka badan 80 qowmiyadood laakii kooxo badan oo qabiillo ah ayaa hadda muujinaya rabitaankooda oo ku saabsan dhulka, khayraadka, iyo awoodda siyaasadeed waxayna ka soo baxayaan niyad-jabka qarsoon ee muddooyinka ay ladhaka faarsanaayeen.
Tani waxay ka dhigantahay in Itoobiya ay sii kala dhaqaaqayso oo qowmiyad walba ay hunguryaynayso kursiga ugu sarreeya wadanka taas waxay keentay in jabhado badan abuurmaan waxayna falanqeeyaashu damacan usababeynayaan Abiy Axmed oo ku kacay falal qar iska xoornimo ah.
Xaaladda Niyad jabka ah ee Itoobiya ka jirta.
Tusaale oo ka mid ah mushkiladda jirta gobolka Oromia ayaa muujinaya inta badan amni-darrada nolosha maalinlaha ah: qof ka soo jeeda Amxaarada oo aan doonin in la xuso magaciisa islamarkaana ka shaqeeya urur caalami ah ayaa sheegay in aanu awoodin inuu booqdo qoyskiisa muddo labo sano ah, si taas loo sameeyo wuxuu u baahan yahay inuu baabuurkiisa kaxeeyo isagoo ka yimid gurigiisa Addis Ababa isagoo maraya Oromia taasoo ah arrin aad u khatar ah oo leh suurtagalnimo weyn islamarkaana keeni karta in la afduubo.
Sidoo kale hoggaamiyaal siyaasadeed ayaa xaqiijiyey arrintan iyagoo oranaya "Qof kasta oo doonaya inuu safar sameeyo in ka badan 100 kilomitir kuna socda Addis Ababa waxaa qasab ah inuu isticmaalo diyaaradd.” Dhibaatadu waxay inta badan tahay afduubka ay maleeshiyaadku geysanayaan oo laga sameeyo lacag farabadan.
Nidaamkii Males Zenaawi ee siyaasadda adag wadanka ku maamulayay markii uu meesha ka baxay ayuu wadanku galay hubanti la’aan wuxuuna RW Abiy isku darsaday Jaantaa rogan iyo Samir la’aan sidaas waxaa aamisan malaayiin qof Itoobiyaan ah.
Waxaa jira daciifnimo ku saabsan sida dowladdu u xakameyneyso heerka rabshadaha ama colaadaha xarkaha goostay, si kale haddii loo dhigo waxaa jira tiro badan oo kooxo burcad ah iyo kooxo hubeysan ah oo awood badan ku leh wadanka balse aysan dowladdu dhegna jalaq usiin kuwaas oo iskasii wata falalkooda qarbudaaddda ah.
Itoobiya waxay mar isugu aragtay booliska geeska Afrika iyada ayayna reergalbeedku kala tashan jireen galalka muhiimka ah ee mandiqadda maadaama ay aheyd midda ugu xooggan roog geeska ayna ka jirtay deganaan siyaasadeed.
Caburinta warbaahinta
Sidoo kale wariyaasha warbaahinta caalamiga ah ma awoodaan inay galaan Itoobiya ilaa heer aad u xaddidan mooyee taasoo ka dhigan in aragtidooda ay xaddidan tahay, Ma jiraan warqado aqoonsi ama ruqsado shaqo oo la siiyo marka loo safrayo gobollada Tigreega ama Amxaarada taasoo muujineysa sida ay dowladda u caraysantahay warbaahinta ajaanibta. Tani waxay noqotay mid muuqata bilowgii sanadka 2023, markii dowladdu sida ay sheegtay Hay'adda Warbaahinta Dunida ee aan Dowliga ahayn ay joojisay ku dhawaad 15 kanaal oo caalami ah oo lagu eedeeyay inay ku shaqeynayeen rukhsad la’aan islamarkaana ay faafinayeen falal iska horkeen ah.
Sidaas darteed, nuxurka warbixintan xaaladaha hadda ka jira dalka ayaa guud ahaan ku tiirsan warbaahinta Itoobiya Inkasta oo ay leeyihiin qalab ka fudud kuwa warbaahinta ajnabiga ah, haddana ma awoodaan inay iska difaacaan weerarada dowladda.
Weerarada ka dhan ah shaqaalaha warbaahinta ayaa kordhay intii lagu guda jiro dagaalka Tigreega. Sida ay sheegtay Hay'adda Warbaahinta Dunida, dhowr saxaafi ayaa lagu dilay xaalado aan la shaacin. Xukuumaddu waxay sii wadaysaa cadaadiska ay ku hayso saxaafadda tan iyo markii khilaafaadyady ka bilowdeen gobolka Amxaarada.
Intaas waxaa dheer, dhowr wakiil wareed ayaa la qabtay, kuwaas oo warbixinadooda ku saabsan khilaafaadka Tigreega iyo Amxaarada aanu waafaqsanayn aragtida dowladda, iyadoo loo soo jeediyay eedeymo culus sida "taageeridda iyo fidinta argagixisada." Mararka qaar, saxaafiyiinta ayaa lagu xiraa xerooyinka amniga ee dhaca saxaraha.
Xaaladda bani’aadannimada Itoobiya.
Colaadda sii fidaysa ee wadanka Itoobiya oo ka dhalatay hubanti la’aanta siyaasadeed ee xukunka waxay halakaysay malaayiin ruux Xabashi ah kuwaas oo dhibanayaal u ah dagaallada aan kala joogsiga laheyn.
sida ay sheegeen hay’adaha waxa loogu yeero Q.Midoobay dad ka badan sagaal milyan oo qof oo ku nool saddexda gobol ee Waqooyiga Itoobiya; Amxaarada,Cafarta iyo Tigreega, ay hadda u baahan yihiin caawimaad cunto deg deg ah iyadoo ku dhawaad 40% dadka Tigreega ay la il-daran yihiin cunno la'aan ba'an.
Ku dhowaad 40 kun oo dumar ah ayaa lakulmay kufsi,jirdil iyo qafaal waxaana kasii daran carrurta oo la askareeyo oo ay kooxaha hubaysan shaqo maalmeed ka dhigteen.
waxaa waxbarashada seegay inkabadan 3 milyan oo carruur ah waxayna xaaladdu gaartay in barakaca shacabka uu joogto noqdo.