Ereteriya oo dalkeeda ka mamnuucday shirkadda duulimaadyada Ethiopian Airlines.

Wednesday July 24, 2024 - 17:54:23
Liibaan Jeexoow
Xilli uu sii xumaanayo xiriirka udhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa diyaaradda duulimaadyada ugu caansan Afrika laga mamnuucay in ay ka shaqeyso Ereteriya.
War rasmi ah oo kasoo baxay hay'adda duulimaadka dowladda Ereteriya ayaa lagu sheegay in dhammaan diyaaradaha shirkadda Ethiopian Airlines aysan soo caga dhigan karin dalka Ereteriya.

Warqad loo diray maamulka Ethiopian Airlines ayaa lagu sheegay in sababta go'aankan keentay ay tahay shaqaalaha shirkadda oo xaday boorsooyinka rakaabka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in tallaabadan ay qaadday xukuumadda Asmara ay hordhac u tahay isbedello waaweyn oo ku imaan doona xiriirka labada dal.

Duulimaadyada Itoobiya iyo Ereteriya ayaa laysku furay sanaddii 2018 kolkaas oo uu talada lawareegay Abiy Axmed isagoona dib usoo celiyay xiriirkii labada wadan.

Related Items

Update cookies preferences