Markale waxaa soo laba kacleeyay ka hadalka heshiiskii is fahamka ahaa ee dhaxmaray dowladda Xabashida Itoobiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland.
Markii ugu horraysay dowladda Mareykanka ayaa Muuse Biixi ku bogaadisay tallaabadii uu qaaday ee uu qeyb kamid ah badda Soomaaliya kusiiyay Abiy Axmed.
Mike Hammer oo ah ergayga Mareykanka uqaabilsan arrimaha geeska Afrika ayaa magaalada Addis Ababa ka sheegay in maamulka Somaliland uu qaaday tallaabo diblumaasiyadeed oo muhiim ah markii uu Abiy Axmed usaxiixay in uu qaato badda Soomaaliya isagoo ku bedelanaya aqoonsi magac uyeel ah.
"waxaa in labogaadiyo mudan tallaabada dhanka diblumaasiyadda ah ee uu qaaday maamulka Somaliland kadib markii uu MOU lagalay dowladda Itoobiya waase in xiisadda geeska ka taagan wadahadal lagu dhammeeyo"ayuu yiri Mike Hammer oo ah erygayga Xukuumadda Washington uqaabilsan geeska Afrika.
Majaladda African Herald Journal oo soo xiganaysa diblumaasigan American-ka ah ayaa sheegtay in reergalbeedka iyo dowladaha mandiqadda aysan diidaneyn in Itoobiya ay gaarto xeebaha Soomaaliya balse ay ka baqayaan in xiisadaha siyaasadeed ee arrinkaas ka dhashay ay halis geliyaan masaalixdooda.
Maamulka Somaliland iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa weli dadaal ugu jira sidii ay udhaqan gelin lahaayeen heshiiskii ay gaareen bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.