Wafdi sare oo ka socda maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ayaa gaaray wadanka Itoobiya oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye.
Madaxa guddiga baarlamaanka Kaniisatka Yahuudda ee qaabilsan saaxiibtinimada Itoobiya iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Sahaayinada ninka lagu magacaabo Moshe Solomon ayaa ka degay magaalada Maqalle ee caasimadda ismaamulka Tigray.
Wafdiga Sahaayinada ayaa kulamo laleh mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka Tigray oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka ninka lagu magacaabo Getachew K Reda.
Socdaalka mas'uuliyiinta Yahuudda ee gobolka Tigray ayaa lagu sheegay mid ku salaysan arrimaha siyaasadda iyo sirdoonka, Yahuudda ayaa kaalin weyn ku leh dagaalka ay xabashida Itoobiya ku hayso muslimiinta geeska Afrika waxaa xusid mudan in wafdigan ay soo mareen magaalada Addis Ababa.
Nidaamkii uu madaxda ka ahaa Males Zenaawi ayaa xiriir dhow lalahaa Yahuudda Sahyuuniyadda waxayna labada dhinac iska kaashan jireen dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo ladagaallanka muslimiinta.
Abiy Axmed ayaa markii uu xilka qabtay sanaddii 2018-dii wuxuu booqasho ku tagay magaalada Talaabiin isagoona halkaas kulamo kulasoo qaatay madaxda ugu sarraysa Yahuudda isagoo kulasoo heshiiyay sidii ay Itoobiya iyo Yahuudda sare ugu qaadi lahaayeen iskaashiga ka dhanka ah muslimiinta.