Wasaaradda caafimaadka dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in caabuqa Covid19 laga helay mas'uulka ugu sarreeya dalka islamarkaana lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.
Kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay Yoweri Museveni ayaa lagu ogaaday in uu asiibay caabuqa sida aadka ah ufido ee Covid19.
Khudbad uu maalintii arbacada ujeediyay xildhibaannada baarlamaanka ayuu madaxweynaha Uganda ku sheegay in uu dareemayo xanuun zaa'id ah iyo kuleyl kadibna saraakiisha wasaaradad caafimaadka ayaa baaritaanno ku sameeyay.
78 sana jirkaan kaligii taliyaha ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka jeedinayay hadallo muujinayay sida uu uga walaacsanyahay askartii Uganda ee lagu laayay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Buula Mareer ee Sh.hoose.