TIGREY: 120 Kun oo haween ah oo la kufsaday iyo colaad hor leh oo laga cabsi qabo.

Thursday July 10, 2025 - 12:19:37
Liibaan Jeexoow
Ururrada haweenka ee gobolka Tigreega oo si wada jir ah u soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka digay in markale colaadi ka qaraxdo gobolka Tigreega.
Ururradan ayaa hoosta ka xarriiqay in si degdeg ah loogu baahan yahay dardargelinta heshiiskii Pretoria ee dabayaaqadii 2022 ay galeen TPLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Dumarkan ayaa si gaar ah u xusay in dirirtii ka dhacdey gobolkaasi ay cawaaqib xun ka dhaxleen haweenka iyo hablaha yaryar ee soo koraya.

Warmurtiyeedka oo soo baxay Axaddii ina dhaaftay kuwaas oo ay si wadajir ah u qabteen dalladaha Yikhono, Gorzo, Nolawi, Umbrella for needy iyo Hiwet Charity ayaa walaac xoogleh ka muujiyey colaadda laga cabsi qabo in ay markale dhexmarto TPLF iyo Dowladda Itoobiya.

Dalladaha haweenka ee Tigrayga ayaa ku baaqey in hoos loo dhigo xaaladda kacsan ee gobolka.

Toddobaadkii dhawayd waxa sidan oo kale qaar kamida ururrada bulshadu soo saareen walaaca xooggan ee laga qabo dirir cusub, waxaanay ku baaqeen in la dajiyo xaaladda oo wadahadal loo jihaysto.

Ururka mucaaridka ah ee Salsay Weyane Tigray ayaa kamid ahaa ururrada ka digay xaaladda ka sii daraysa ee Tigreega.

Marka la eego warbixinihii soo baxay April 2023, 40% ilaa 50% haweenka Tigreegu waxay la kulmeen tacaddiyo la xiriira dhanka jinsiga.

Waxa sidoo kale cirka isku shareeray kufsiga arxandarrada ah(gang rape) kaas oo ay geysanayaan kooxaha hubaysani.

Sida warbixinuhu sheegayaan in kabadan 120,000 oo haween ah ayaa lagu qiyaasay in la kufsadey keliya intii u dhexaysay 2020 ilaa 2022.

Ugu dambayn ururrada haweenka ee gobolkaasi waxa ay soo jeediyeen in loo jihaysto dhanka wadahadallada taas oo xoojinaysa midnimada iyo wadajirka shacabka Tigree.

Dhanka kale waxay baaq u direen Dowladda Federaalka si loo gaaro xal nabadeed loogana gudbo murannada siyaasiga ah.


Related Items

Update cookies preferences