Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in 11 sano uu ku xirnaa Jabbuuti ayaa maalinkii shalay ahayd laga sii daayey xabsiga.
Cabdullaahi waxa sannadkii 2014 laga dhiibay Gobollada Waqooyi ee Somaliland isaga oo Xukuumaddii Siilaanyo ee xilligaas ay u dhiibtay Geellaha Jabbuuti.
Maxbuuska hooyadii ayaa dhowr jeer oo isxiga sannadihii u dambeeyay ka hadli jirtey saxaafadda isla markaana baaq u diri jirtay xukuumadaha.
Dhawaan markii Cirro booqashada ku tagey Jabbuuti ayay maxbuuska hooyadii markale hadashay waxaanay ka codsatey in madaxweyne Cirro ka qayb qaato sii daynta inankeeda.
"Madaxweyne inankaygu in badan buu xirnaa ee maanta haka iman madaxweyne, waan kuu ducaynayaa madaxweyne haka iman” ayay tiri.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa shalay ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa.
Dhanka kale Cabdullaahi ayaa markuu Hargeysa ka soo degay u mahadnaqay cidkasta oo ka qayb qaadatey soo dayntiisa.
"Waa farxad walaallayaal maanta, hadal badan odhan kari maayo. Aad baan idiinku mahadnaqayaa walaallayaal” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh oo cabbiraayay dareenkiisa.