Dowladda Shiinaha ayaa hanjabaad culus u dirtey maamulka aqoonsi-raadiska ah ee la baxay Somaliland.
Shiinaha ayaa aad uga caroodey heshiis la xiriira Badda oo dhawaan ay wada galeen Somaliland iyo Taiwan.
War qoraal ah oo ka soo baxey Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Somaliland ku xadgudubtey madaxbannaanida dhuleed ee dalweynaha Shiinaha.
"Maamul Goboleedka Somaliland waxa uu si bareer ah ugu xadgudbay madaxbannaanida dhuleed ee Shiinaha isla markaana dhaawacay mabda’a Shiine halmid ah. Shiinuhu si adag buu uga soo horjeedaa ficilkan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Geesta kale dalka China waxa uu xusay in Taiwan tahay qayb isaga ka mid ah sharci ahaan iyo dal ahaanba isla markaana aanay Taiwan waligeed noqon dal madaxbannaan, immika iyo mustaqbalka toona.
Waxa kale oo Shiinuhu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tahay qayb ka mida Somaliya sida Taiwan u tahay qayb Shiinaha ka mida waxaana dhinacyada gaar ahaan Somaliland looga digey in ay ku kacaan ficilladan oo kale.