Puntland oo sheegtay in aanu aqoonsanayn SSC-Khaatumo.

Thursday July 17, 2025 - 11:00:19
Liibaan Jeexoow
Maamulka la baxey Puntland ee ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka dhawaajiyey in aanay aqoonsanayn maamulka cusub ee SSC.
War qoraal ah oo habeennkmadii xaley ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maamulka SSC uu kamid yahay Puntland isla markaana uu kamid ahaan doono illaa wadatashi lagu kala baxayo.

"Inta laga helayo sifo sharci ah oo wadatashi guud ku timaadda gobollada SSC waxay si waafaqsan dastuurka kamid yihiin Puntland” ayaa lagu yiri.

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa cambaareeyay Dowladda Federaalka iyaga oo ku tilmaamey in ay faragelin qaawan ku hayaan amniga iyo xasilloonida Puntland.

Maamulka SSC-Khaatumo oo ka jawaabey qoraalka Puntland ayaa dhankiisa tibaaxay in aas aaskii Galmudug sidan oo kale looga qayliyey.

"Hirgelinta maamullada waxa iska leh DF, sidii looga cabaadey dhismihii Galmudug waa looga cabaadi karaa Khaatumo, qofkastoo diiddan dhismaha SSC waa mid xambaarsan aragtida Deni” Khaatumo.

Waxa laga war sugayaa maalmaha soo socda halka uu ku dambeeyo khilaafka cusub ee Khaatumo iyo Puntland oo hadda bilow ah.

Related Items

Update cookies preferences