Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Charles King ayaa galabnimadii shaley ka degay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka isku magacaabey Somaliland.
Wasiirka Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan ayaa Madaarka Hargeysa kaga hortagey Charles sida ay baahisey Wasaaradda Dibedda ee maamulku.
Charles ayaa horraantii bishan aynu ku jirno la kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Deni.
Safiirka ayaa sheegay sida uu ku baahiyey bartiisa X in ay Deni ka wada hadleen siyaasadda Soomaalida, sidii loo xasilin lahaa iyo la dagaallanka Islaamiyiinta Soomaaliya.
Imaanshaha safiirkan ee Hargeysa ayaa ku soo beegmaysa xilli ay subaxnimadii shaley jihaadiyiintu la wareegeen gacan-ku-haynta degmada istaraatijiga ah ee Maxaas.
Geesta kale Madaxweynaha Federaalka ayaa safar ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.