Doolow: Maleeshiyaadka Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Itoobiya oo xalay cagta mariyey maleeshiyaadka Gurguurte.

Monday July 28, 2025 - 12:44:33
Liibaan Jeexoow
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo xooggani u dhexeeyeen maleeshiyaadka kala taabacsan kooxda Villa Somaliya iyo maamulka Jubbaland ay ka socdeen magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka Xabashida Itoobiya ay si buuxda ula safteen maamulka ashahaado-la-dirirka Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jubbaland oo iskaashanaya ay xalay weerar ku qaadeen xero ay maleeshiyaadka Nabad-sugidda ee kooxda Gurguurte ku lahaayeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarkan ayaa sida ay wararku sheegayaan lagu beegsaday taliska maleeshiyaadka NISA, waxaana saqdii dhexe ee xalay mar kaliya lagu soo baraarugay dhawaqa hubka culus ee ay labada dhinac is-weydaarsanayeen, taasoo cabsi ku abuurtay shacabka degmada Doolow.

Ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jubbaland ayaa la sheegay inay ku amreen maleeshiyaadka jawaasiista Nisa ee taabacsan kooxda Gurguurte inay is-dhiibaan, hubkoodana soo wareejiyaan. Balse maleeshiyaadkaasi ayaa ganafka ku dhuftay, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus.

Dirirtan oo socotay ilaa waaberigii saaka ayay xogtu sheegaysaa inay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee xalay oo dhan lagu kor dagaallamayay.

Sida ay wararku tibaaxayaan, xeradan la weeraray waxaa yaallay saanad ciidan, waxaana ku sugnaa maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata C/Rashiid Janan, oo dhawaan kooxda Villa Somaliya u magacawday taliyaha NISA ee gobolka Gedo.

Maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo taageero ka helaya ciidanka Xabashida Itoobiya ayay u suuro-gashay in gudaha ay u galaan xerada maleeshiyaadka NISA, halkaasi oo ay ku gubeen saanaddii militari ee taallay.

Holac iyo uuro xooggan ayaa ka kacay xarunta la weeraray ee maleeshiyaadka NISA. Waxaana ilo-wareedyo aanu helnay ay sheegayaan in nolosha lagu qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii C/Rashiid Janan, oo saraakiil taliyeyaal ah ay ay ku jiraan, kuwaas oo loo dhaadhiciyey xabsi ku yaalla gudaha xerada ciidanka Itoobiya ee degmada Doolow.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray maamulka ashahaado-la-dirirka Jubbaland ayaa dagaalkan xalay ka dhacay degmada Doolow ku eedeeyay kooxda Xasan Gurguurte, oo la sheegay inay weerar ku qaadeen xarumaha maamulka Jubbaland uu ku leeyahay degmadaasi.

Ciidanka Itoobiya ayaa saaka dhaqdhaqaaqyo xooggan ka bilaabey magaalada Doolow, iyadoo ay la wareegeen guud ahaan maamulka degmada. Waxaana hakad galay adeegyadii bulshada sida ganacsiga iyo waxbarashada.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo madaxa kooxda Villa Soomaaliya uu ku sugan yahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo shalay uu gaaray isagoo fulinaya amar yeeris ah oo uga yimid R/Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo gebi ahaanba diiddan in ciidanka Masaaridu ay cagaha soo dhigaan carrada Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences