Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gal gobolka Jubbada hoose ayaa lagu soo warramayaa in laba hawl-gal oo qaraxyo ah ka fuliyeen inta u dhexaysa magaalada Kismaayo iyo deggaanka Cabdalla Biroole.
Sida ay xogtu tibaaxayso qaraxa hore ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku naf-waayeen ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal abaanduule urur ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay C/Qaadir Santaare.
Khasaaraha gaaray maleeshiyaadka waxa kaloo ka mida 7 askari oo kale oo iyaguna ay soo gaareen dhaawcyo kala duwan, halka baabuurkiina uu gebi ahaanba basbeellay.
Qaraxa kale ayay wararku sheegayaan in isagana bartilmaameedkiisu ahaa askar lug ah, kuwaas oo laba ka mid ah oo Miino-baarayaal ah ay dhinteen, 3 askari oo kalena ay dhaawacmeen.