Warbixin sheegtay in Eretriya ka dambaysay dagaalkii ka dhex-maray dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Tuesday July 01, 2025 - 13:58:12
Liibaan Jeexoow
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda The Sentry oo ah hay'ad ka faalloota arimaha siyaasada iyo dagaallada fadhigeeduna yahay Maraykanka ayaa lagu soo bandhigay baaritaan cusub oo muujinaya in hoggaamiyeyaasha dowladda Eritrea ay si qorshaysan uga shaqeeyeen oo ay diyaariyeen dagaalkii ka dhex-qarxay kooxda TPLF iyo dowlada Itoobiya.
Warbixintu waxay sidoo kale caddeyneysaa in ciidamada Eritrea ay si nidaamsan u fuliyeen bililiqo xooggan oo la beegsaday hantida shacabka Tigray intii uu socday dagaalka iyo kadiba.

Waxa ay xogtani iftiimisay dhacdooyin halis ah oo dhacay kuwaas oo isugu jira boobka dahabka, waxyaabaha taariikhiga ah, iyo dadka, oo ay wehliyaan kufsi , jirdil, afduub iyo xad-gudubyo kale oo ka baxsan bani'aadanimada sida ay sheegayso hay'ado .

"Hoggaamiyeyaasha Eritrea waxay door firfircoon ka qaateen abaabulka dagaalka, iyaga oo qorsheeyay in TPLF lagu ciqaabo, isla markaana si hoose ula shaqeynayay dowladda cusub ee Itoobiya oo markaas khibrad yar lahayd,” ayaa lagu yiri warbixinta The Sentry.

"Intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022, ciidamada Eritrea waxay fuliyeen bililiqo habaysan iyo ganacsi dagaal oo dhanka xuduudaha ah, taasoo sababtay khasaare bani’aadamnimo iyo dhaqaale oo baaxad leh – walina lama helin cid mas’uuliyadeeda qaadatay.” ayeey leedahay warbixinta oo sii socota.

Taqriirka kasoo baxay The Sentry ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Eratariya ay u diyaargaroobayso dagaal cusub, iyadoo uu bubur ku dhow yahay heshiiskii Pretoria iyada oo leh gobolka Tigray wuxuu mar kale taagan yahay dhabbihii dagaal cusub.

Waxaa muuqata ayay tiri warbixintan ay soo saartay The Sentry in mar kale Eritrea laga yaabo inay si toos ah uga qeyb-qaadato colaad hor leh oo ka bilaabanta deggaannadaasi.

Related Items

Update cookies preferences