40 askari ayay sii maraysaa dhimashada iyo dhaawaca maleeshiyaadka duleedka Moqokori.

Saturday July 05, 2025 - 13:13:19
Liibaan Jeexoow
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey dagaallo maanta ka dhacay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalladan oo tiraba 4 jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa waxaa kasoo baxaya xogo hor leh oo muujinaya baaxadda khasaare ee gaaray maleeshiyaadkaasi.

Ilo-wareedyadyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 askari oo ka tiran maleeshiyaadka Gurguurte lagu laayay dagaalladan, kuwaas oo 12 ka mida ah maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Sidoo kale xogta ayaa tibaaxaysa in ugu yaraan 25 kale oo ka tirsan isla maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya lagu dhaawacay dagaalladan maanta ka dhacay duleedka Moqokori.

Maleeshiyaadka dhegta dhiigga loo daray oo qaarkood magacyadooda aanu helnay ayaa waxaa ka mida Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle, Aadan Ibraahim Fidhig (Il-bir), Cabdullaahi Muumin Dhaladheere, Axmed Muumin Cilmi Iidow, Xasan Abiikar Aadan iyo sarkaal magaciisa loosoo gaabshey Xasan Taakaay.


Related Items

Update cookies preferences