Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Balcad.
Qaraxan oo bar-tilmaameedkiisu ahaa maleeshiyaad ku sugnaa bar-kantarool ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 ka mida askartii halkaasi joogtay.
Gobolka Hiiraan, waxaa isna laga soo sheegayaa qarax lagu beegsaday maleeshiyaad isbaaro dhigtay gudaha xarunta gobolkaasi ee Baladweyne.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi oo gaaray maleeshiyaadka, walow faahfaahin aanaan ka helin.
Geesta kale faahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax ay Al-Shabaab ku weerartay kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo ku socdaalayay inta u dhexaysa magaalooyinka Mandheera iyo Raama ee gobolka Mandheera oo hoos-jira gumaysiga Kenya.
Sida ay xogtu xaqiijisay qaraxan ayaa haleelay baabuur noociisu ahaa Kooyal, kaas oo ciidamo ay saarnaayeen ayaa gebi ahaanba burburay.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 askari oo Kenyaati ah iyo 3 askari oo kale oo Soomaali daba-dhilifyo ah.