FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo weerar cag-marin ah kula wareegtay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sunday July 27, 2025 - 12:22:08
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya weerar cag-marin ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaal saacado qaato kadib waxaa ugu dambayn gacanta jihaadiyiinta Al-Shabaab kusoo dhacday magaalada Maxaas oo muddo badan talis weyn u ahayd maleeshiyaadka Gurguurte iyo weliba ciidanka Xabashida Itoobiya.

Maleeshiyaadkii ku sugnaa magaalada Maxaas ayaa lagu soo warramayaa inay si habqan ah u jabeen iyagoo u kala firxaday jihooyin kala duwan oo dhinaca duurka ah, halkaasna lagu sii baacsanayo.

Ilo-wareedyo ayaa aanu helnay ayaa sheegaya khasaare baaxad leh oo ka dhashay camaliyad naf-hur ah oo uu fuliyey mid ka mida jihaadyiinta Al-Shabaab, kaas oo bartamaha u dhigay taliskii ugu weynaa maleeshiyaadka.

Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayay wararku tibaaxayaan in ay haatan gebi ahaanba la wareegeen kuna dhex takbiirsanayaan gudaha magaalada Maxaas, halkaas oo lagu soo warramayo in ay bilqan yihiin maydad fara badan oo maleeshiyaadku ay ka carareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah maleeshiyaadka Gurguurte looga carararay goobtaasi iyago dhaawac ah, iyagoo maleeshiyaadka baxsaday ay qaarkood u firxadeen dhinaca Baladweyne oo qiyaastii 90 KM u jirta Maxaas.

Dagaalkan ayaa saaka barqadii ka bilowday meel 5 KM u jirta magaalada, kaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka, halkaas oo isla markiiba saraakiishii dhegta dhiigga loogu daray uu ka mid ahaa Kornayl Maxamed Shidane oo ahaa taliyaha nabad-sugidda Galgaduud.

Jihaadiyiinta ayaa ugu dambayn soo jabsaday dhammaan difaacyadii maleeshiyaadka, waxaanay si buuxda ula wareegeen Maxaas oo muddo ku dhow 20 sano ka maqnayd gacanta jihaadiyiinta.

Khasaaraha maleeshiyaadka lagu gaarsiiyey dagaalkan oo lagu soo warramayo inuu aad u fara badan yahay ayay saraakiisha Jihaadiyiintu ballanqaadeen in goor dhow ay soo gudbin doonaan, sida ay sheegtay idaacadda Andalus.



Related Items

Update cookies preferences