Maleeshiyaadka Gurguurte oo qoob-gariir xooggani soo food-saarary ayaa qof shacab ah ku dilay Moqokori.

Monday June 30, 2025 - 11:40:00
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya bariga gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad qoob gariir ah ay wajahayaan maleeshiyaadka dowladda ee halkaas ku sugan kadib markii ay xoogagga jihaadiga lawareegeen deegaanno istiraatiiji ah.
Maanta gelinkii dambe ayay maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan Moqakori waxay dil ugeysteen qof rayid ah, goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay dhaxdooda is rasaaseeyeen kadib markii ay isku khilaafeen deminta shirkadaha isgaarsiinta degmada ka howlgala.

Rasaastii ay is dhaafsanayeen labada dhinac ay sababtay dhimashada nin kamid ah ganacsatada deegaanka, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydka ruuxa ladilay oo rasaastu ay ka heleeshay madaxa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka DF-ka ee ku sugan deegaanka Moqokori ay si qasab ah ku gidhaashteen gaadiid iyagoo ku raranayay sahay ay kala baqa cararayaan deegaanka.

Lawareegistii ciidamada Al Shabaab ee deegaannada Ceel-qooxle,Muqlayga Qeycad iyo Ceel-hareeri oo dhammaantood kaabiga ku haya Moqokori ayaa larumeysanyahay in ay xaaladda kusii adkeystay maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee sida aadka ah loogu barakiciyay dagaallada ka socda bariga Hiiraan.

Related Items

Update cookies preferences