In ka badan 30 qof oo ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay dalka Pakistan.

Sunday June 29, 2025 - 10:27:10
Liibaan Jeexoow
Roobab mahiigaan ah oo dhaliyey fatahaado xooggan oo ku dhuftay guud ahaan dalka Pakistan ayaa sababay dhimashada 32 qof tan iyo bilowgii xilli-roobaadka ee usbuucii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan waaxda maareynta masiibooyinka ee dowladda Pakistan.
Fatahaadahan oo sabab u noqday in saqafyada guryaha ay dumaan labadii cisho ee u dambeeyey ayaa sababay dhimashada 19 qof, kuwaas oo Siddeed ka mid ah ay caruur ahaayeen, sida lagu xusay bayaan ay sabtidii shalay soo saartay hey’adda maareynta masiibooyinka ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Sidoo kale daadadkani waxay dhulka soo dhigeen darbiyada guryaha qaarkood, waxaana ku naf-waaya13 qof ayaa ku naf-waayay fatahaado ku dhuftay gobolka bari ee Punjap tan Arabacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo u badnaa caruur sida ay shaacisay hey’adda masiibooyinka ee gobolka Punjap.

Qulqulka biyaha xad-dhaafka ah ee ka dhashay roobabka ka da’ay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa lagu soo warramayaa in waxyeello ba’an ay gaarsiiyeen ugu yaraan 56 guri, kuwaas oo lix ka mid ah ay gebi ahaanba burbureen sida lagu sheegay bayaanka.

Dalka Pakistan waxaaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu nugul waxyeellada ka dhalata roobabka mahiigaanka ah ee da’a xilliyada gu’ga ama dayrta iyo duufaannada, maadaama dad badan oo reer Pakistan ah ay ay ku nool yihiin deggaanno iyo magaalooyin u badan dooxooyin iyo dhul buuroley ah.

Related Items

Update cookies preferences