Dr Badar Cabdul-Caadi oo ah wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalladii ay la lahaayeen Itoobiya ee ku saabsanaa biyo-xireenka webiga Niil ay fashilmeen, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hor-tagaan wax kasta oo halis gelin kara jiritaankooda nololeed.
Waxa uu caddeeyey wasiirku in arrinta biyuhu ay tahay hanjabaadda ugu weyn ee masiir ahaan uu wajahayo dalka Masar. Kadib markii ay guul-darraysteen wada-xaajoodyo muddo sanado ah u socday labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya.
Wasiirka oo lagu waraystay barnaamij ka baxa kanaalka ON TV, ayaa carrabka ku adkeeyey in Masar aanay waligeed oggolaan doonin in lagu xadgudbo saamigeeda taariikhiga ah ee biyaha webiga Nile.
"Waa inaan si buuxda ugu kalsoonnaanaa dowladdeenna iyo hey’adaha qaranka inaysan oggolaan doonin, xaalad kasta ha timaaddee, in la taabto arrintan khatarta ugu weyn ku ah jiritaanka Masar." Ayuu yiri Dr Badar Cabdul-caadi.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in saamiga Masar ee biyaha Niil aanu dabooli karin baahideeda biyo ee sannadlaha ah. Isla markaana qofka Masriga ah uu cel-celis ahaan helo kaliya 50%, taas oo ka hoos-martay ayuu yiri heerka lagu qiimeeyo saboolnimada biyaha.
Mar la weydiiyey wasiirka, qorsheyaal cusub oo wadahadal ah in ay jiraan iyo in kale, ayuu sheegay in dowladda Masar ay si rasmi ah u shaacisay in wadahadalladii ay la lahayd Itoobiya ee ku saabsanaa biyo-xireenka Al-Nahda ay si buuxda u burbureen kadib 12 sano oo wadahadal ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar waxa kale oo uu xusay in wadahadallada la xiriira biyo-xireenka Itoobiya, loo adeegsaday in lagu dhaqan-geliyo waxyaabo aan la isku waafaqsanayn, la iskuna dayay in lagu qasbo, taasoo uu sheegay in wax natiijo ah aan laga gaarin.
Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka Masar wuxuu si cad u sheegay in dowladdiisu ay xaq u leedahay inay isdifaacdo haddii ay la kulanto hanjabaad, gaar ahaan mid ku wajahan danahaheeda biyaha Niil.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda cakiran ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar ay wax yar u jirto in ay u soo raraan kuna dhex dagaallamaan gudaha Soomaaliya, kadib markii Xasan Gurguurte uu heshiisyo amni lasoo saxeexday labada dhinacba.